Ciidanka Qaranka Waynu Is-garab Taagaynaa

0
331

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in guud ahaan bulshada Somaliland madax iyo shacab ba ay garab taagan yihiin ciidamada qaranka, isla markaana qaranka Somaliland guulaysan doono, lana garabistaagi doono Ciidamada qaranka.

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu tilmaamay in Somaliland ay soo martay maalmo ka adag halka ay maanta marayso, waxaana uu intaasi ku daray in dalku ka gudbayo duruufaha ku gedaaman.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan leeyahay waynu ka gudbaynaa duruufaha adag ee inagu gedaaman, Umadaha niyad jabaa ma guulaystaan, waxa ina soo maray Maanta maalmo ka adag waana sunaha nolosha.Ciidanka waynu boogaadinaynaa oo waynu isgarabtaagaynaa Ciidanka qaranka muu jabin, gobtu ma jabto ee way ciirtaa oo kuftaa”.

Sidoo kale Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu tilmaamay in dalku soo maray maalmo ka adag halka uu maanta marayo, waxaana uu yidhi “Maalmo ka adag ayaanu usoo joognay waxaana aanu usoo taagnan Hargeysa oo diyaarado lagu duqaynayo, oo dadka inta la laayo la daldalayo. hadana waynagaa ka nool saacadan waxa reeban niyad jabka. qaran keenu wuu guulaysanayaa

“.

 

 

Leave a Reply