Kulan Lagaga Hadlay Qodista Macdanta M/Jeex iyo Gabiley oo Hargeysa Lagu Qabtay

0
116

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta JSL ayaa soo qabanqaabisay kulan lagaga hadlayey nidaaminta Macdan Qodista iyo Sahaminta Gobolada Gabiley iyo Maroodijeex, kaasoo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaraddaasi maalintii shalay.

Shirka waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Cabdilaahi Cabdi Faarax, Wasiir Ku xigeenka, Agaasimaha Waaxda Macdanta, Garyaqaanka Wasaaradda iyo saraakiisha Waaxda Macdanta.

Waxa kale oo shirka ka qaybgalay Badhasabka Gobolka Maroodijeex, Badhasab ku-xigeenka Gobolka Gabiley, Maayarka degmada Daarasalam iyo Maayarka Degmada Agabar.

Sidoo kale, waxa kulanka qayb ka ahaa shirkaddaha Al Nasri Mining Co, Sugaal Mining Company, Seven Mining Company, iyo labada iskaashato ee Dhuxun iyo Maluugta.

Shirkan oo ahmiyad weyn u leh qorshaha macdan soo saarka Waddanka ayaa qodobada gun-dhigga u ahaa waxa kamid ahaa:

  1. Nidaaminta iyo u helida xal waara goobaha laga qodo Macdanta Lithium-ta.
  2. Fahansiinta Xeerka Macdanta ( Xeer Lr100/2023) iyo Ku dhaqanka shuruucda
  3. Ilaalinta Nabad galyada.

Gunnaanadkii shirka ayaa waxa laga soo-saaray in guddi la dhiso yareynta muranada arrimah macdanta iyo in laga wada-shaqeeyo Arrimaha bulshada taabanaya sida nabad-gelyadda.

Leave a Reply