Booliska oo ka Hadlay siday ka Yeeleen Lacag laga Helay gaadhi uu ninkii lahaa Dhintay

0
191

Hargeysa (Dawan) Ciidanka nabad-galyada waddooyinka Jamhuuriyadda Somalilnad ayaa Marxuun gaadhigiisa ku dhintay lacag ay ka heleen ehelkiisii ku wareejiyay.

Sarkaal u hadlay Ciidanka nabadgelyadda waddooyinka Somaliland ayaa sheegay in lacag dhan laba kun boqol iyo labaatan dollar iyo toban riyaal oo Itoobiyaan ah, ay ku wareejiyeen ehelada marxuun ku geeriyooday shil gaadhi.

Sidoo kale sarkaalka ciidanka nabadgelyadu, waxa uu intaas ku daray in Marxuumka geeriyooday uu ka mid ahaa ganacsatada reer Somaliland sodonkii sano ee u danbeeyay, waxaanu xuseen in gaadhigiisu xafiis u ahaa, waxaanu mar kale ehelada marxuumka ku wareejiyay dhammaan faylalkii iyo waraaqihii ay ka soo saareen gaadhigiisa.

Geesta kale waxa ay ciidamada nabadgelyadu bulshada ugu baaqeen marka ay galayaan safarada in aanay qaadan hantidooda iyo wixii mihiima, ee ay dhigaan meeshi ay ku xafidi karaan, maadama dadku geeri suge yihiin.

Gaba-gabadii waxa ay sheegeen ciidanka nabadgelyadda Somaliland in ay gacanta ku hayaan sababta keentay shilka uu ku geeriyooday Marxuumku.

 

Leave a Reply