Xikmadda Maanta

0
196
  • Farriinta ugu saamaynta badani waa oohinta iyo ilmada
  • Wanaagga ninku waa raganimada, Wanaagga gabadhuna waa hooyonimada, Wanaagga caruurtuna waa baarrinimada, Wanaagga habeenkuna waa xasiloonida.
  • Luuqadda ugu xoogga badan dunida casrigan waa aamuska.
  • Jileeca badani waa liidasho, Qosolka badani waa xaqiraad, Raaxaysiga badani waa fadhiidnimo. Taxadarka badani waa shaki, hinaasaha joogtada ahina waa waali.
  • Karaamada ugu weyn ee qof lagu amaanaa waa edebta.
  • Kelmada ugu adag ee lagu dhawaaqaa waa dhamaystirnaanta.
  • Ereyga ugu macaan ee dhego maqlaan waa nabadda.
  • Ereyga ugu dambeeya adduunku waa geeri.
  • Aarsiga ugu fiicani waa cafiska.
  • Dabka ugu kulul ee qofka gubaa waa xiisaha
  • Hadaad rabto inaad farxad ku noolaato muddoo gaaban aargooso, haddii aad doonaysid inaad mudo dheer ku nolaatana saamax iyo cafis u same dadka.
  • Caaqilku waa qofka carabkiisu ka danbeeyo maskaxdiisa, nacaskuna waa kan carabkiisu ka horeeyo makaxdxaiis
  • Iska jir in khalad aad mar gashay maskaxdaada ka bixi waayo , waayo wuxu ka horjoogsanaya inaad dadaal danbe samayso oo cabsi ayuu kugu abuurayaa. Ka qaado cashar ka dibna iska tuur.

Leave a Reply