Guddoomiye ku Xigeen 2-aad ee Wakiillada oo Deeq Raashin ah Gaadhsiiyay Ciidanka Qaranka

0
187

Oog (Dawan) Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada JSL Md. Cali Xaamud Jibriil, kaasi oo ay wehelinayeen Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame, Wasiirka Maalgashiga JSL Cabdi Cismaan Dhagawayne, Badhasaabka Gobolka Awdal Xasan Daahir Xaddi iyo Masuuliyiin kale ayaa shalay Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku Sugan degmada Oog ku wareejiyey 6 Gaadhi oo waaweyn oo Raashin ah.

Waftigani oo ka soo ambabaxay magaalada Boorama ayaa deeqdan raashinka ah ugu talo-galay taageerada ciidanka qaranka ee ku sugan Oog, taasi oo maalmihii u danbeeyay laga dareemayay u diyaar-garawgeeda guud ahaan gobolka Awdal gaar ahaana magaalada Borama.

Waftigani ayaa ka kooban badi masuuliyiintii gobolka Awdal, kaasi oo aad ka dheehanayso culayskiisa madaama oo aanay kala hadhin maamulkii gobolka iyo kii Degmada Boorama oo hawsha ay u soo kicitimeen ay tahay mid culaykeeda leh iyo taageerada ciidanka qaranka oo ay diyaar u yihiin inay mar kasta la garab istaagaan wixii looga baahdo.

Deeqdan raashinka ah ee ay Maasuuliyiinta reer Awdal ku taageerayeen ciidanka qaranka ayaa ka koobnayd lix gadiidka waawayn oo raashin ah, kaasi oo isugu jira raashinka noocyadiisa kala duwan.

Maaha markii u horeysay ee Bulshad iyo masuuliyiinta gobolka Awdal ay taageero la garab joogsadaan Ciidanka qaranka, balse waxaa jirtay marar badan oo ay taageero laxaad leh u muujiyeen ciidanka qaranka Bulshad iyo masuuliyiinta ka soo jeeda gobolka Awdal.

Badi gobolada iyo Degmooyinka dalka maalmihii u danbeeyay waxaa ka socda taageerada ay bulshada Somaliland la garab taagan yihiin ciidanka qaranka oo iyagu ah kuwa ay ku seexdaan shacabku.

 

Leave a Reply