WEEDHA WARGEYSKA Sharcigu hala xisaabtamo Xildh. Maxamed Abiib!

0
121

 

Xildhibaan Maxamed Abiib Mudane da’ yar oo kamida Golaha Wakiillada waxa aad moodaa inuu si aad ah u khalad fahmay xilka iyo masuuliyadda uu hayo ama ay aqoon yaraan iyo arragti gaabnaani geyeysiisay inuu  sida qof aan xil-Kas ahayn uga qayliyo Warbaahinta.

 

Waxa uu safka hore kaga jiraa xildhibaannada la ambaday masuuliyada ay u hayaan umadda soo dooratay iyo Qaranka, isla markaana garaacaya albaabada xasaanad ka xayuubinta iyo in lagula xisaabtamo sharciga ay ilaaliyaha ka yihiin.

 

Inkasta oo ay jiraan mudaneyaal dhowr ah oo ay heerka qalqaalinimadoodu dhaaftay intii ay xayndaabka sharciga ku ciyaari karayeen,taasoo nusqaan weyn ku ah gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday, haddana Md. Maxamed Abiib hadda waxa dhex fadhiyaa dastuur jebin iyo ku-xad-gudub dhowrsanaaneed,kaddib markii uu af-lagaado qaawan Warbaahinta u mariyey Madaxweynaha waraysigii u dambeeyey ee uu bixiyey, kaasoo uu siiyey Warbaahiyaha Galaydh Media.

 

Xildhibaan Abiib, inkasta oo uu Waraysigan iyo kuwo kaleba kaga tiraabay hadallo badan oo qadaf iyo qallooc weyn ku ah midnimada iyo nabad-gelyada Qaranka, caadaystayna ku dhiirashada dhawaaqyada dhegaha shacbiga dhiillada iyo naxdinta ku abuuraya, dhambaalada uu gudbiyaana boqolkiiba sideedtan ay yihiin kuwo aan u dhadhamin bulshada Somaliland, waxa uu xog-warankiisa u dambeeyey isticmaalay ereyo u baahan in kula-xisaabtan sharci lagu qaado, kuwaasoo ah af-lagaado iyo shakhsi cay uu kula kacay madaxweynaha. Kelmadaha uu sida jees jeeska ah ugu duray qofnimada madaxweynaha waxa kamida “KIBIR. WUU KIBRAY iyo wax lamida”

Kelmadahaasi iska daa dabeecada madaxweynaha ee waxay taabanayaan caqiidaddiisa diimeed, mana aha weedh loo isticmaali karo qof Islaam ah oo shacbi ah, madaxweyne umad dhan hogaaminayana ku sheegideedu waxay qoon ku tahay qaranka dhan wadartii.

 

Sida uu dhigayo qodobka 49aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland farqadiisa 2aad, Xildhibaanku haddii uu ku kaco af-lagaado waxa bannaan in eedda ka dhalanaysa ficilkaasi loo qaban karo, kuna waayayo dhawrsanaanta uu haysto.

 

Qodobkan waxa uu ka hadlayaa dhawrsanaanta Xildhibaannada Golaha Baarlamanka, waxaanay farqadiisa 1aad xarimaysaa in aan Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban karin, waxna loogu qaadi karin arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibtay.

Hase yeeshee qodobkaasi xukunkiisa waxa ka reebban wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu geysato.

Waxaanay labada farqadood u dhigan yihiin sidan: ” 1. Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibay.

 

  1. Waxaa ka reebban xukunkaas faqradda laad wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu geysato”

 

Haddaba, Hay’addaha qaranka u xilsaaran Ilaalinta sharciga waxa looga fadhiyaa inay qaadaan talaabo xildhibaankan lagula xisaabtamayo haddii uu gef dastuur jebin ah ku kacay, isla markaana waa in la cadeeyaa waxa uu sharcigu ka qabo in qof masuuliyad xildhibaanimo hayaa masuul kale oo Qaranka xil u haya ku tilmaamo Kibraan ama wax mesaalkeeda ah. Waayo? Kibirku waa ficil ka sareeya Cay ama af-xumo qof ama masuul loo geystay, waxaanu kamid yahay afcaasha uu alle Swt xaaraantimeeyey, umana noqon karo dello iyo daliil loo isticmaalo dhaliil siyaasaddeed iyo mid hogaamineed toona.

Xildhibaanka Golaha Wakiilladu awood dastuuri ah ayuu u leeyahay la-xisaabtanka iyo daba-galka hannaanka maamul ee Hay’addaha Dawladda, waxaanu leeyahay afkaar siyaasaddeed oo uu xor ugu yahay inuu wax dhaliilo, toosiyo ama talo ku bixiyo, balse waa ceeb iyo nusqaan inuu maalin walba Warbaahinta uga hadlo sida dadka maqaaxiyaha fadhi ku-dirirka ah ku murma, taasina waa talo si guud ugu socota guud ahaan mudaneyaasha Golaha Wakiillada.

 

 

Leave a Reply