Gudoomiye-xigeenka Koowaad ee Wakiiladda oo la kulmay Safiirka Somaliland ee Kenya

0
87

Nayroobi (Dawan)- Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiilladda JSL Md Siciid Mirre Faarax ( Giirre) oo Safar shaqo ku tegay Caasimada Dalka KENYA ee Nairobi ayaa kulan laqaatay masuuliyiinta Safaarada ee Kenya.

Guddoomiye Giire oo Xarunta Safaarada Somaliland ku leedahay Kenya booqasho ku tegay ayaa kulan la qaatay madaxda Safaarada.

Wefdiga Gudoomiye-xigeenka Wakiiladda Md. Siciid Mirre Faarax Giirre ayey xarunta Safaarada ku soo dhaweeyeen Safiirka Safaarada Dr Maxamed Axmed (Barawani), Safiir kuxgeenka Safaarada Sharmaake Geele iyo Madaxda Kale Ee Safaarada, Waxaanay uga Xog- Warameen Hawlaha Iyo Shaqada Safaarada ka Socda.

Gudoomiye Giire ayaa ku dhiiri geliyey safiirka iyo madaxda safaaradda inay kor u sii qaadaan Shaqada iyo adeega ay u hayaan Qaranka iyo muwaadiniinta Somaliland”

 

Leave a Reply