Dugsiyada ugu Sareeyay Natiijada Imtixaankii Shahaadiga ee JSL

0
156

Hargeysa (Dawan) Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisey Natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare iyo kuwo dhexe ee dalka oo dhan. Sidoo kale wasaaradda iyo xafiiska Imtixaanaadku waxay shaaciyeen natiijada tobanka dugsi ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka.

Munaasibada shaacinta imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka ayaa lagu qabtay degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil, waxana ka qayb galay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Diiriye Toorno, guddoomiyaha xafiiska Imtixaanka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo iyagu qaranka u qaabilsan diyaarinta, qaadista iyo soo-saarinta imtixaanada shahaadiga ah iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Saaxil.

Gudoomiyaha xafiiska Imtixaanka Qaranka JSL, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in tiradda ardayda u fadhiisatay dugsiyada hoose dhexe guud ahaan Somaliland ay dhammaayeen labatan kun, sagaal boqol iyo konton arday, halka 177 ardayna aanay imtixaanka galin oo ay ka habsaameen sababtay doontaba ha ahaatee, waxa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Dhexe gudbay 19,441 arday, waxa dhacay ama aan gudbin 1,332 arday.

Dugsiyadda sarre ee dhammaan gobolada dalka oo dhan waxa imtixaanka u fadhiistay 14,039 arday, waxa uu xusay in aanay imtixaanka gelin 108 arday, waxa gudbay ama baasayimtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada saree e dalka 13,574 oo arday, waxa dhacay ama aan helin imtixaanka 357 arday.

Guud ahaan waxa labada fasal ee dugsiga sare iyo kuwo dhexe ka dhacay tiro dhan 1,689 arday.

Sidoo kale, waxa aya wasaaradda Waxbarashada iyo Horumarinta Sayniska iyo Xafiiska Imtixaanaadka qaranku si wada jir ah ugu dhawaaqay tobankii dugsi ee ugu sarreeyay dugsiyada sarre iyo tobankii kuwa hoose dhexe ugu sarreeyay guud haan dalka oo dhan dusgiyada ku yaala.

Tobanka Dugsi sare ee guud ahaan dugsiyada saree ee Somaliland u sareeyay ayaa waxa ay kala aaayeen sidan

1-Pharo Secondary School oo ku yaala Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil

2- Imaamu Maalik Secomdary School oo ku yaala Ceerigaabo

3- Dabayl-wayne Boarding School oo ku yaala Berbera

4- Xaaji Saalax Secondary School oo ku yaala Dagmeda Ood-wayne

5- Sheekh Modern School oo ku yaala Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil

6- Dayaxa Boarding School oo ku yaala Ceerigaabo

7- Ina Sanwayne Secondary School oo ku yaala Magalaada Burco

8- Dayaxa Boarding School oo ku yaala Ceerigaabo

9- M.Shireh Gab Secondary School oo ku yaala Dagmeda Sheekh ee Gobolka Saaxil

10- Salwa Sabah Boarding School oo ku yaala Degmeda Sheekh ee Gobolka Saaxil

Gaba-gabadii wasiirka waxbarashada JSL, ayaa ardayda Imtixaanka loo yeedhiyey ugu hanbalyeeyay guusha ay ka gaadheen geedi-goodi waxbarasho, waxaanu ku dhiirigaliyay in ay halkaasi ka sii wadaan waxbarashada ilaa ay ka gaadhaan midha dhalka guusha waxbarasho ee ay muddada soo wadeen.

 

 

Leave a Reply