Maareeyaha Madbacada Qaranka oo Fariid Adag u Diray Ina Garaad Soofe, Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Sheekh Maxamed Cali Geedi

0
211

Hargeysa (Dawan) Maareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa fariimo kala duwan oo jawaab ah u kala  diray, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Sheekh Maxamed Cali Geedi iyo siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Maareeye Raage waxa uu fariin u diray Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, waxaanu yidhi.“Garaad Soofe waxaan leeyahay ha iswaafaqaan hadalkaaaga iyo ka taliyayaashaadu, dhan isugu baydh oo nabad iyo colaad waxaad doonayso soo caddee, Sool iyo Sanaag iyo Caynba waxa leh Somaliland, bal haddii aynu wada leenahay oo aad leedahay waa idinla leeyahay aynu sifiican uwada maamulo”

Geesta kale Maareeye Maxamuud Raage, waxa uu tilmaamay  waxa uu xukuumadda Somaliland ku sifeeyay Sheekh Maxamed Cali Geedi in aanay gayin.

Waxaanu yidhi.“Dadka qaar ayaa sida ay kula mid yihiin marka xaaladu adkaato waxa dhabta ah ee ay aaminsan yihiin ay soo baxda, dadkaasina waxa aan u aqaana inay la mid yihiin cudurka Malaariyada ama Joonis cadka, in Sheekh Maxamed Cali Geedi xukuumadda talada haysa ku tilmaamo inay sidii Kaligii taliyihii Siyaad Barre u dhaqmayso, ma geydo, marka Sheekha waxaan leeyahay kuu ducayn mayno oo nagamaad shaqaysan, kuna habaarimayno”

Maareeyaha Madbacada Qaranku waxa uu hadalkii Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan warbaahinta mariyay , waxa uu ku sifeeyay mid ku tiiq tiiqsiya waxaanu faray in aanu iska hadal ee uu hadalkiisa sumad u yeelo.

Waxaanu yidhi.“Cabdirashiid Xasan Mataanow, Sool, Sanaag iyo Cayn waxba kama taqaanid, cidda degta mataqaanid, cid leh garanmeysid, nin reer Awdal ahbaad tahay, gobtii Somaliland ayaad ka soojeeda, waxaad doonaysay maad sheegin ee hadal ayaan ku leeyahay, hadalkaagu wiirsibu ahaa, Somaliland waxba may helin, kuwa sida Malaariyada Somaliland ugu dhex nool ayaad tahay, kuwa haddii ay Somaliland fursad u helaan la waayi lahaa ayaad ka mid tahay, anigu waan ku garanaya, saaxiibkay ayaad tahay, carrabka iyo gawsaha haysku qaban ee hadal,”

Mar uu ka hadlayay maxaabiista la kala haysto waxaa uu yidhi.“Maxaabiista halkan jooga ayaanu taladeeda leenahay, beesha Dhulbahante maxaabiista gacantooda ku jirana taladooda iyagaa leh, sidii ay ula dhaqmaan ayaa noo xeer ah, kuwa aanu hayno si fiican ayaanu ula dhaqmayna, shareecada Islaamka ayaanu waafajinaynaa iyo xeerarka Caalamiga ah,”

Maareeyuhu waxa uu siyaasiyiinta ka codsaday in aanay baqan, balse haddii ay baqaan inay tukaano furtaan.

Waxaanu yidhi.“Siyaasadu dhiiranaan ayay u baahan tahay ee marka ay adkaato in aad bowdyaha isla dhaco maaha, siyaasadu markii ay adkaato ninkii baqayow, goob Sharaabka lagu iibiyo ama dukaan alaabooyinka laga gato furo, ama adhiga dhoofi”

 

Leave a Reply