Madaxweynaha Somaliland oo Soo Saaray Amar lagu Baadhayo Sababta Keentay Dabka soo Noqnoqday

0
188

Waxaa uu ka Tacsiyeeyay Ganacsatada ku hanti beeshay dabkii suuqa Wajaale’una caddeeyay in ay Xukuumad ahaan Garabtaagan yihiin

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa soo saaray amar lagu baadhayo sababta keentay dabka soo noqnoqday ee hantida  badan lagu waayay, waxaanu caddeeyay sida uu murugada iyo tiiraanyada ula qaybsanayo muwaadiniinta hantidoodii ku waayey masiibada dabkii habeen hore ka   kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Wajaale.

Madaxweynuhu isaga oo ka tiiraanyeysan dhibaatadii ka dhalatay dabkaas waxa uu muwaadiniinta hantidoodii baaba’day Eebbe uga baryayaa inuu cawil khayr leh ka siiyo hantidoodii, isaga oo ugu baaqay inay niyaddooda wanaajiyaan, kasoo kabasho degdeg ahna u diyaar garoobaan iyaga oo Ilaahay isku xidhaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ciidanka Dab-damiska iyo ilaalinta badqabka hantida ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen sidii dabkaa loo damin lahaa, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu u mahadnaqay ciidanka Dab-damiska Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo qayb-weyn ka qaatay daminta dabkii suuqa Wajaale Waxaanu Madaxweynuhu hay’addaha amniga qaabilsan faray inay si hufan baadhitaan ugu sameeyaan sababaha keenaya dabkan soo noqnoqday, Ganacsataduna u hoggaansamaan talooyinka iyo habraacayadda Ciidanka Dab-damisku siinayaan muwaadiniinta si looga hortago marwalba khataraha iyo khasaaraha badan ee ay sababayaan masiibooyinka dabku.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ugu baaqayaa bulshada inteeda kale inay u kacaan sidii dadweynaha hantidoodii ku waayey dabkii baabi’iyey suuqa ganacsiga ee degmada Wajaale sidii loogu kici lahaa, ee dib loogu xoolayn lahaa si ay uga soo kabtaan masiibada ku habsatay, iyadoo xukuumadduna doorkeeda ka qaadanayso

Leave a Reply