Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo ka Qayb Galay Qalin Jebinta Jaamacadda Admas Hargaysa

0
111

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay ka qayb galay xafladda qalin jebinta dufcaddii 15-aad ee ka qalin jebisa Jaamacadda Admas faraceeda Hargeysa.

 

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyay qalin jebinta ardaydaas waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, aqoon yahano, xubno ka socday madaxda xisbiyadda qaranka, siyaasiyiin, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Admas, waalidiinta ardayda qalin jebisay iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, oo xafladaa ka hadlay ayaa u hanbalyeeyay ardayda qalin jebisay, waalidiintii ku soo tabcay, iyo macalimiintii wax soo barayay mudadii ay jaamacadda ku jireen.

Waxaanu yidhi โ€œWaxaan hanbalyaynayaa maanta (shalay) oo farxad ii ah, in qalin jabintii 15-aad ee jaamacadda Admas aan joogno. Marka hore ardayda qalin jebiyay oo ay maalintoodii tahay waxaan leeyahay hanbalyo. Mustaqbal wanaagsan ayaanan idiiin rejaynayaa.

 

Waxa kaloo aan hanbalyaynayaa bahda jaamacadda Admas, maamulka, iyo macalimiinta, ee dedaalka badan soo geliyay in ay heerkan soo gaadhsiiyaan ardaydaโ€.

 

Geesta kale Jaamacadda Admas ayaa magaaladda Hargaysa laga aasaasay sanadkii 2006-dii, waxaana mudadda ay shaqaynaysay ka qalin jebiyay arday aad u tiro badan, kuwaasoo qaarkood ay dalka madax ka yihiin.

 

Guddoomiyaha jaamacadda Admas Xuseen Cabdilaahi Maxamuud, oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka warbixiyay tiradda ardayda shalay jaamacadda ka qalin jebiyay, iyo heerarka waxbarasho ee ay qaateen.

 

Waxaanu yidhi, โ€œTiradda guud ee ardayda maanta (shalay) qalin jebinaysaa waa 364 arday. 302 arday derejadda digriiga ayay ka qalin jebinayaan. 62 ardaydna waxay ka qalin jebinayaan rejedadda labaad ama master-ta. Ardaydaasi geedi dheer ayay soo galeen, waanan ugu hanbalyaynayaaโ€.

Xuseen C/laahi Maxamuud, waxa kaloo uu sheegay in jaamacadda Admas ay hadda u gudubtay in ay samayso heer cilmi baadhis. โ€œMaanta Jaamacadu way ka gudubtay derejadii waxbarashada oo isku filaansho ayaanuย  ka gaadhnay,waxaanuna ugudubnay oo xooga saaraynaa Cilmi baadhistaโ€ ayuu yidhi guddoomiyaha Jaamacada ADMAS Xuseen Cabdilaahi Maxamuud.

 

Gebagebadii xafladaasi ayaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyay ardaydii ka qalin jebiyay jaamacadda Admas.

ย 

Leave a Reply