Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo Soo Xidhay Tababarka Aqoonka Shaqaalaha Ka Shaqeeyay Mishiinada Dhaliya Neefta

0
159

Qormadeena Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadan doonaa todobaadkan tababar kor loogu qaadayo aqoonka shaqaasha ka shaqeeya Mishiinada dhaliya noofta(Oxygen) halkaasi oo ay shaqaaluhu ku baranayeen illaalinta mishiinanada dhaliya neefta iyo daryeelkoodaba.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka aduunka ayaa maanta soo gabo-gabeeysay tababar kor loogu qaadayay aqoonta shaqaalaha ka shaqeeya Mishiinada dhaliya neefta (Oxygen) ee Cusbitaalada dalka.

Tababarkan oo socday saddexdii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa shaqaalaha lagu tababarayay habka ugu haboon ee loo adeegsado, loo ilaaliyo sidoo kalena loo daryeelo mishiinada dhaliya neefta (oxygen) ee ay ku shaqeeyaan.

Shaqaalaha Tababarkan qaadanayay oo ka kala imid dhamaan goboladda dalka ayaa kormeer iyo aqoon korodhsi lagu geeyay xarunta weyn ee dhalisa Neefta (oxygen) ee Cusbitaalka weyn ee hargaysa si loo baro qaybaha kala duwan ee mishiinada dhaliya neefta iyo hababka kala duwan ee loo adeegsado.

Intaa kadib Agaasimaha waaxda Caafimaadka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mahdi Daahir Bahdoon oo ay Wehelinayaan Eham Oo ka Socday Haayadda Caafimaadka aduunka oo qayb laxaad leh ka qaadatay hirgelinta tababarkan iyo khuburadii bixinaysay tababarkan ayaa Shaqaalaha tababarka qaatay kula dardaarmay inay aqoonta ay nasiibka u heleen inay bartaan ay ku dabaqaan una adeegsadaan goobaha Iyo mishiinada ay gacanta ku hayaan, intaa kadib shaqaalaha tababarkan qaatay ayaa la siiyay Shahaadooyin cadaynaya aqoontii ay barteen mudadii uu socday Tababarku.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay xooga saaraysay dhisida iyo kor u qaadista aqoonta tayadda shaqaalaha Caafimaadka ee ka hawlgala dhamaan goboladda iyo dagmooyinka kala duwan ee dalka si loo hirgeliyo adeeg Caafimaad oo Wanaagsan, Jaban sidoo kalena dhaw oo muwaadin kastaa uu

Leave a Reply