Wefti ka Socday Hay’adda Dhawrista Tayada oo Warshadleyda Burco Gaadhsiiyay Summad Tayeedka Qaranka

0
148

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Mudane Xamse Cabdi Ibraahim, oo ay weheliyaan Agaasime-Waaxeedyada,Waaxaha Hubinta Tayada iyo Heertayeedka ayaa kormeer shaqo ku tegay Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer.

Socdaalka mas’uuliyiinta ayaa daarranaa sidii Warshadaha gobolka Togdheer loo gaadhsiin lahaa Summad Tayeedka Qaranka ee Hay’adda Dhawrista Tayadu dhawaan daah-furtay.

Calaamadda Summad Tayeedka Qaranka waa calaamad muujinaysa in badeecaduhu (products) waafaqaan ama buuxiyaan shuruudihii looga baahnaa markay noqoto bed-qabka dadka isticmaalaya.

Sumadda Tayada ee ay bixisay Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland (HDHT) waxa ay ku xusan tahay xeerka Lr: 68/2014, kaas oo dhigaya in HDHT bixin karto summad ama summado, ka dib marka ay buuxiyaan badeecaduhu heertayeedyadii Somaliland (Somaliland Standards).

Haddaba faa’iidooyinka summadda tayadu (Product Quality Mark).

  1. Summadda tayadu waxay suurtogalinaysaa kalsooni buuxda inay helaan dadka isticmaalaya badeecadaha kala duwan ee Warshaduhu soo saaraan
  2. Waxay yaraynaysaa in ay suuqa soo galaan alaab tayadeedu hoosayso
  3. Waxay kor u qaadaysaa dedaalka warshaduhu ku tayeynayaan wax-soosaarkooda
  4. Waxay suurtogalinaysaa in ay helaan dadku badeecado tayadoodu sarreyso
  5. Waxay hir-galinaysaa isticmaalka ama dabaqitaanka heer-tayeedyada Somaliland .

 

Leave a Reply