Maayerka Sheekh oo ka Hadlay Xaalada Nabadgelyada Magaalada

0
159

Sheekh (Dawan)- Maayerka degmada Sheekh Eng Ismaaciil Xuseen Cali, ayaa sheegay in degmada Sheekh ay hadda nabad gelyo tahay isla matkaana aanay ka jirin wax dbib ah oo laga baqaa.

Waxaa kale oo uu ka hadlay in ay ka hor tageen fal isku day dhac Gaadhi Xammuul ah oo koox dhallinyaro ahi ay damceen in ay qafaashaan.

Waxaani intaa raaciyay in laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Sheekh in ay dhacdadaa ka hawl galeen isla markaana gaadhiga kooxdii isku dayday in ay kaxaystaan ay qaar ka mid ah gacanta ku soo dhigeen.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.

Maayer Eng Ismaaciil oo ka jawaabayay su’aal wargeysku ka waydiiyay in ay jiraan baabuur Degmada Sheekh lagu dhacay,ayaa yidhi: “Ma jiro gaadhi la dhacay sida wax loo shwegayona arrintu way ka duwan tahay waxaana jirtay in dhlinyaro isku dayday in ay gaadhi Xamuul ah oo.Berbera ka yimi in ay dhacaan laamaha ammaanka ee booliska Sheekh iyo annagoo ah maamulka Degmada Sheekh,ayaa arrinkaa ka hawl galnay waanan soo qabanay qaar ka mid ah dhallinyaradii falkaa isku dayday gaadhiga iyo rarkii saarnaana waxaanu u celinay ninkii lahaa wax dhac ah oo lagu guulaystay ama la dhacayna ma jiro.

Markaa isku daygaa maamulka degmada iyo ciidanka booliska ayaa ka hor tegay kuna guulaystay in ay gaadhiga iyo rarkii saarna oon waxba ka maqnayn in ay usoo celiyaan dirawalkii watay.dhallinyaradii falkaa isku daydayna qaar ka mid ah ciidanka ayaa gacanka ku soo dhigay.”

Maayerka oo wax laga waydiiyay in shaqaaqadii Cali Saahid degmada Saamayn ku yeelatay,ayaa yidhi. “Kolay dadkeenu waa caadifiyiin oo marka meel wax ka dhacaan deegaano kale ayay saamaysaa,markaa kolkii hore ee Cali Saahid wax ka dhaceen degmada saamayn way ku yeelatay,laakiin markii dambe arrinkaa waanu ka hawl galnay wax dhubaato ah oo imika degmada ka jiraana ma jiraan xaaladuns way degen tahay.,

 

Leave a Reply