U-dulqaadan Mayno Cid Kasta oo khalkhal Galinaysa Ammaanka

0
119

Burco (Dawan)- Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Gaashaanle sare Cali Maxamed Faarax Gaadayare ayaa ka hadlay adakynata amaanka iyo xasilinta Nabedgalyada guud ahaan Somaliland, gaar ahaan Gobalka Togdheer.

Cali Maxamed Faarax Gaadayare ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay tallaabo ka qaadi doonaan cidii khalkhal galinaysa amaanka, islamarkaana aanay u dulqaadan doonin.

Cali Gaadayare oo arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi “Waxa aan ku baraarujinayaa cid kasta oo ku nool Gobalka Togdheer in nabedgalyada isku taagaan,waana danta dadka nabaedgalyadu.waxaana jira arimo badan oo inagu soo kordhay oo xaga amniga waxyeelo ku ah arintii Gacanlibaax waxa dhameeyay dhaqankii waxaana ay ku dhamaatay talo wada jira,aniga oo ah taliyihii qaybta Booliska Gobalka Togdheer waxa aan diginiin u dirayaa cid kasta oo aan ka mid ahayn Ciidamada booliska iyo qaranka oo hub sidata oo dirays xidhan loo duqaadan maayo.talaabo ayaa laga qaadayaa xabsiyada ayaa lagu gurayaa una dulqaadan mayno cid kasta oo khalkhal galinaysa amaanka oo qori sidata. dadweynaha waa in ay noqdaan qaar garabsiiya Ciidamada amaanka soona sheega cid kasta amniga khalkhalgalinaysa”.

 

 

Leave a Reply