Maxkmadda Iyo Xukunada Cajiibka Ah!

0
115

Maxkamadaha dunida ayaa marar badan dadka soo saar xukunka aan hore loo arag oo ay ku kala saaraan dadka usoo dacwooday.

Dalka Maraykanka  nin dhallinyaro ah oo lagu magacabo Mr.Daniel Dukes ayaa la dilay , ka dib markii uu isku dayay inuu si qarsoodi ah u galo beer xeebta badda ku taalla oo loogu magaca daray aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga badaha oo Maraykan ah.

Beertan oo ah goob dalxiis isla markaana leh goobo lagu dabaasho, waxa jooga ilaalo xoogan oo dadka ka ilaaliya. Wiilkaasi ayaa dhex galay biyaha badda si uu ugu dabaasho goobaha raaxada leh, isagoon ogayn meelaha halista ah , markii uu usoo dhacay beerta waxa uu galay goob halis oo uu joogay Nibri kaasi oo isla markiiba dilay.

Laakiin waalidka dhalay  wiilka ayaa dacawada ku oogay ilaalada beerta isagoo sheegay inay ku fashilmeen Nibiriga halista ah inay dadka ka ilaaliyaan, taasi oo ahayd sababta uu u dhintay wiilku. Maxkamadda aya xukunka ku riday ilaalada iyadoo u cuskatay inay hawshooda ilaalinta ah dayaceen isla markaana ay bixiyaan magdhowga shilkaasi.

Waxa kale iyana ka mid ah dacawadaha dadku la yaabeen  markii gabadh ay ku qabsatay huteelada waaweyn midkood xaflad soo jeed oo ay saaxibadeed ku casuuntay. Kharashaka xafladda ee laga rabay gabadha ayaa noqday 3000 doller.

Gabadha ayaa markii xafladii gebgebo ku dhowadahay isku deyday inay la baxsato kharashka lacagta laga rabo. Waxaana ay doonaysay inay ka dhcado daaqad ku taallay suuliyada huteelka midkooda.

Nasiib darro markii ay dhacaysay ayay siibtay oo isla markiiba dhulka afka ku dhufatay waxaana ka dhacay ilkaheeda hore sida foolasha.  Gabadhaasi ayaa maxkamadda dacawad u gudbisay iyado sheegtay inay sabab u ahaayeen daaqadah liita ee qofka u sahlaya inuu baxsado ama dhaco. Waxaana yaab noqotay markii maxkamaddu kiisaka ku riday Huteelka iyo qaabka u dhisan yahay inay sababtay inay gabadhu ku fikirto inay baxsato sidaa awgeedna ay ganaaxday 12 kun doller inay siiyaan gabadha si ay ilkaha ugu gashato, dhaawaca soo gadhayna iskaga dawayso.

 

Leave a Reply