Safiirka JSL ee Ingiriiska oo London ku qabtay kulan lagu maamuusay Madaxweyne Rayaale

0
107

London (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Daahiir Rayaale Kaahin ayaa si ballaadhan loogu soo dhoweeyay dalka Britain, isaga oo ka hadlay xaalladda dalka ee xilligan iyo collaaddaha ka aloosan guddaha dalka.

Ambassador Cabdi Cabdullaahi (Dayax-weerar) oo ah Safiirka Somaliland ayaa qabanqaabiyay kulan ballaadhan oo lagu soo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo booqasho ku jooga London.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin hore uga soo qabtay xilal xukuumaddii Daahir Rayaale, Axmed Siilaanyo iyo haldoor kale oo Somaliland ah, ayaa ahaa mid ujeeddadiisu ahayd in loo muujiyo Madaxweynihii hore ixtiraam iyo qadarin.

Ambassador Cabdi Cabdullaahi, ayaa sheegay in kulanka ay ku maamuuseen Madaxweynihii hore Daahir Rayaale oo dalkiisa iyo dadkiisa usoo dhaqeeyay, isla markaana hirgeliyay dimuqraadiyadda Somaliland.

“Sharaf ayey inoo tahay inaan maamuus iyo milgo ku qaabilno Madaxweynaheeni saddexaad Md Rayaale Kaahin, ee dhidibada u taagay hanaanka dimoqraadiyadda dalkeena.”

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale oo hadal ka jeediyay kulanka, ayaa ka hadlay xaalladda dalka ee xilligan iyo collaaddaha ka alloosan deegaamo ka mid ah Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland, isagoo xusay marxaladihii ay Somaliland soo martay iyo xilligii uu ahaa Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo ahayd siddeed sannadood iyo shan sannadood oo uu ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

 

Leave a Reply