Wasiirka W. Maaliyadda oo Shaaciyey in Difaaca Qaranku muhiimada Koowaad ka Yahay Miisaaniyadda 2024-ka

0
242

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaraddas Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shaaca ka qaaday in difaaca qaranka iyo doorashooyinku yihiin muhiimada koowaad ee miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2024.

Dr. Sacad iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo kulan la qaatay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in dhaqaalaha Somaliland ku dhisnaa laba tiir, xoolaha iyo ganacsiga. ganacsiga xooluhu uu aad u wanaagsan yahay, lakiin ganacsiga suuqyadu uu hoos u dhacay.

“Ganacsiga xooluhu wuu fiicnaa sannadka, roob badana wuu da’ay, xooluhuna way inoo caafimaad qabaan, xoolo badan ayaa dhoofay, lakiin waxa uu ganacsigeenu uu aad ugu xidhnaa ganacsihii Wajaale mari jiray kaasi oo uu hadda hakad ku yimid, waxa inoo soo raacay kii Barriga laftiisa,” ayuu yidhi Dr. Sacad.

Marka dhinaca ganacsiga, arrimo awoodeena ka baxsan awgeed waxa ku yimi hoos-u-dhac yar.

Dr. Sacad ayaa sheegay in diyaarinta miisaaniyadda weli hawsheedu socoto, laakiin, isla qaateen dhinacyada muhiimada la siinayo, waxaanu yidhi,

“Miisaaniyada waxyaabaha inoogu mudan, ee sannadkan iyo sannadka soo socda mudnaanta la siinayo waxa ugu horeeya difaaca qaranka, sidoo kale doorashooyin ayaa loo diyaargaroobayaan sannadka 2024, oo mudnaantiisa leh. Waxa soo raaca adeegyada bulshada waxbarashada iyo caafimaadka.

 

 

 

 

Leave a Reply