Waxbarashadu Waa in ay Qofka Dhaqankiisa Wax ka Badesho”

0
117

Hargaysa(Dawan) wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa ardayda wax baratay ku booriyay inay ku dadaalaan ku dhaqanka cilmiga ay bartaan iyo in uu wax ka badelo hab fikirka iyo qaab nololeedkoodii hore.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa sidan ka sheegay mar uu ka maanta(shalay) ka qayb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen ardayda jaamacadda Adna Aadan wax ka barata.

Wasiirka waxbarashada oo la hadlayay ardayda ka qalin jabinaysay Jaamacadda Adna Aadan ayaa kula dar-daarmay inay isku dayaan in ay wax ka badel ku sameeyaan noloshooda iyaga oo adeegsanaya cilmiga ay barteen, wasiirka ayaa ardayda u sheegay in aanu cilmigu waxba tarayn haddii uu qofka badeli waayo dhaqankiisa iyo fikirkiisa nolosha.

Wasiirka ayaa waxa uu yidhi ‘’Dadkeena waynu ognahay inta wax baratay iyo inta aan waxbaran, in kasta oo ay maalin oo ay maalin kasta korayso haddana jid dheer baa inaga horeeya, oo u baahan ilaa iyo ka xuduuda iyo xeebta jooga iyo Gees diir ilaa iyo Yoocada inta u dhaxaysa in aynu taliintaasi gaadhsiino, oo qof kasta oo muwaadin ahiba uu fursadaasi helo, intii karaankeena ah ayaynu kolba wadaynaa.

Waxa la moodaa in badan oo inaga mid ah, dadku intiisa badan fikirkoodu wuu wanaagsan yahay in inaga mid ah ayaa had iyo jeer war xun uun ku mashquulsan, ninkaa warka xun ku mashquulsani inta uu kaa ku mashquulsan yahay baa laga wada tagayaa, Aakhirana waxa uu ugu tagayaa danbigii ka dhashay hadalkii xumaa.

Ardaydaa maanta soo baxday waxaan leeyahay iyo inteena iskuul soo marnay ee fursada u helay waxa inagu waajib ah tacliintaasi in aynu wax kaga badelno oo aynu xagga fiican ugu jihayno, tacliintu waa inay qofka dhaqankiisa wax ka badesho, waa in hadalkiisa sidii uu u hadli jira si ka wanaagsan uu u hadlo, hab fikirkiisa waa inay ka wanaajiso barigii aanu wax baramin, waayo imika maskaxdiisu maalintii aad Jaamacadda gashay iyo imika way kala wanaagsan tahay.

Tacliinteenu waa in ay inagu soo kordhiso in aynu wax la soo baxno oo aynu wax-soo-saar yeelano intii karaankeen ah’’

Leave a Reply