Rasuulka Allah (scw) ayaa xadiis ku yidhi :
“ Waxaa la Yaab leh Arinka Qofka Mu’minka ah, Arimihiisa oo Dhan Waa Khayr, Waxay Gooni u Tahay Ruuxa Mu’minka oo Kaliya, Hadii uu la Kulmo wax Wanaagsan wuu farxaa oo ku mahadnaqaa. Hadii Dhibaato Ku Dhacdana Wuu Ku Sabraa Waxayna u Noqotaa Khayr “ (Waxa Wariyay_Muslim)
Rasuulka Allah (scw) ayaa ugu bushaareeyay saxaabadii qaar ka mid ah inay gelayaan janada iyagoo nool. Saxaabadaasi tobanka ahaa waxay kala aahaayeen Abuubakar, Cumar Binu Khadab, Cali Binu Abu-dalib, Cusman Binu Cafan, Subayr Binu Cawam, Dalxa Binu Cubaydallah , C/raxmnaan Binu Cawf, Sacad Binu Abii Waqaas, Abu Cubayd Caamir Binu Jaraax. Waxaana loo yaqaan tobankii saxaabi ee janada loogu bushaareeyay