Muhiimadda Caafimaad Ee Maadada LYCOPENE Iyo Cuntooyinka Laga Helo

0
188

Qormadeena labaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku sharaxi doonaa cuntooyinka laga helo maado aad muhiim ugu ah jidhkeena, shaqooyin badana u qabata, waa maadad LYCOENE iyo cuntooyinka aynu ka heli karno madaama ay faa,iidooyin badan inoo leedahay.

Shaqooyinka muhiimka ay ee ay maadadani jidhka u qabato ayaa waxa ka mid ah in ay si awood leh u burburiso suntan jidhka ku jirta, taasi oo waxyeelo u gaysan karta caafimaadka jidhka.

Cuntooyinka dalkeena laga helo ee ay ka mid ka yihiin Xabxabka, tamaandhada, saytuunka, liin bambeelmada, cambe babaayga iyo inta badan ee khudradaha uu midabka gudahoodu casaanka ama basaliga yahay, waxaa ku jirta maaddo lagu magacaabo “Lycopene”.

Maadaddani waxa ay si awood badan u burburisaa mariidka (sunta cuntooyinka ka samaysanta) oo haddii ay jidhka ku badato sababi karta cudurka macaan, wadne xanuun, noocyo kansarka ka mid ah iyo xanuunka dila unigyada maskaxda ee Alzheimers ka.

Faa’idooyinka caafimaad ee maadaddan laga helana waxaa ka mid ah:

*Jidhku waxa uu awood u yeeshaa iska caabinta dhibaatada fallaadhaha qorraxda ee UV oo khatar badan keena.

*Caafimaadka wadnaha oo fiicnaada

*Waxa ay ka hortegi kartaa ama dhimi kartaa xawaaraha faafitaanka Noocyo ka mid ah kansarka. Sida kansarka naaska iyo qanjidhka prostate ka, kansarka sambabada iyo xitaa kelyaha.

In kasta oo maadaddan la heli karo iyada oo ah dawo Faytamiin ah, haddana waxtarkeedu waxa uu badan yahay marka la cuno cuntooyinka qaniga ku ah.

FAA’IDOOYINKA KALE ee tijaabooyinka shaybaadhka iyo xayawaannada lagu ogaaday, laakiin weli sii baadhista u baahan waxaa ka mid ah:

Maadadda Lycopene waxa ay u fiican tahay aragga iyo xusuusta.

Lafaha ayey xoojisaa Waxa aanay yaraysaa dufanka iyo kalastaroolka dhiigga

FG:

Tamaandhada ayaa inta la oguahay ugu hodansan maadadda lycopene

 

 

Leave a Reply