Shaqaalaha Caafimaad ee Waaxda Maanka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, oo Aqoontood Kor Loo Qaadayo

0
89

Qormadeena koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo u qabatay waaxda caafimaadka Maanka ee wasaaradda tababar kor loogu qaadayo aqoontooda iyo habka ugu haboon ee ay shaqada ay hayaan u socon lahayd iyada oo diirada lagu saaray, ka warbixinta xaaladda caafimaad ee bukaanada ay u adeegayaan iyaga oo adeegsanaya hab qoraal ah, waxaana awooda la saaray sidii ay warbixinaha caafaimaad u qoro lahaayeen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa Magaalada hargaysa kusoo gabo-gabeeyay tababar mudo laba cisho ah ka socday Hotel mansoor.

Tababarkan oo ahaa mid lagu xoojinayo korna loogu qaadayo habsami u socodka hawlaha shaqo ee waaxda Caafimaadka maanka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa waxaa kasoo qayb-gelay agaasimihii hore ee waaxda Caafimaadka maanka iyo agaasimaha cusub ee waaxda Caafimaadka maanka, masuuliinta waaxda Caafimaadka maanka ee dhamaan gobolada dalka, iyo Shaqaalaha waaxda maanka ee xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Tababarkan ayaa xooga lagu saarayay sidii loo dardargalin lahaa habka ugu haboon ee loo qoro warbixinaha la xidhiidha hawlaha laga qabto Caafimaadka maanka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo tababar soo gabo-gabeeyay ayaa ugu horayn ku amaanay shaqaalaha waaxda Caafimaadka Maanka ee dhaman gobolada iyo sida habsamida leh ee ay u wadaan shaqadda, mudadii koobnayd ee ay jirtay waaxdaasina ay qabteen hawlo badan oo muhiim u ahaa Wasaaradda iyo guud ahaan qarankaba oo la xidhiidha sidii adeega Caafimaaddka maanka loo gaadhsiin lahaa dhaman gobolada dalka.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa inta badan shaqaalaheeda u samaysa tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda shaqo iyo sidii loo dhisi lahaa xirfadooda caafimaad iyada oo la eegayo waaxaha ay ka hawlgalaan.

Leave a Reply