Madaxweyne Ku xigeenka JSL oo ka Qaybgalay Qalinjebinta Machadka Shaqaalaha Dawladda ee (CSI)

0
88

“Kulmiye markii aanu xukunka nimid waxaanu bilawnay sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dawladda…” C/raxmaan Saylici

Hargaysa (Dawan):- Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa shahaadooyin guddoomsiiyay arday ka qalin jebiyay machadka tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland.

Ardaydan ka qalin jebiyay jaamacadda haayadda shaqaalaha dawladda Somalilandnoo tiradoodu dhamayd 220 arday, ayaa noqonaya dufcadii 12aad ee jaamacadaasi ka qlain jebiya.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay qalin jebinta ardaydaasi oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, maamulka iyo macalimiinta machadka shaqaalaha dawladda CSI.

Sidoo kale waxaa xafladaasi joogay maayarka caasimadda Hargaysa, guddoomiyaha haayada shaqaalaha dawladda, siyaasiyiin, aqoon yahano, waalidiinta ardayda qalin jebiyay iyo marti sharaf kale.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo arday bogaadiyay ardayda qalin jebiyay iyo macalimiintii ku soo tabcay mudadii ay soo baranayeen.

Waxaanu sheegay in jaamacadda haayadda shaqaalaha dawladu mudadda ay jirtay in ay ku tallaabsatay horumar weyn, isla markaana ay ku dedaaleen sidii aqoonta shaqaalaha dawladda loo tayayn lahaa.

Waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa machadka shaqaalaha dawladda oo dedaal badan muujiyay, meel hoose na ka soo bilaabay, maanta na meel sare oo lagu farxo soo gaadhsiiyay.

Waxaan idinku dar-daarayaa in aad qaranka ugu addeegtaan sida ugu haboon, oo cilmiga aad barateen-na waa in ay shaqada aad ummada u haysaan ay ka muuqato.

Machadka tababarka shaqaalaha dawladda meel hoose ayaa laga soo bilaabay. Cid kastoo ka soo qayb qaadatay na waan u mahad celinayaa, oo ay ugu horayso haayadda UNDP. Iyadoo na soo bar-baarisay ilaa sanadkii 2014-kii, ilaa markii la aasaasay. Anagu na qaran ahaan markii aanu awoodnay aanu UNDP kala wareegnay sanadkii 2015-kii”.

C/raxmaan Saylici, waxa kaloo uu sheegay in markii xisbiga Kulmiye uu talladda dalka qabtay sanadkii 2010-kii in ay bilaabeen sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dawladda, maadaama oo ay shaqaalaha dawladu yihiin mishiinka wareejinaya shaqadda qaranka.

“Kulmiye ahaan markii aanu xukunka nimid sanadkii 2010-kii waxaanu bilawnay sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dawladda. Sababtoo ah? Shaqaalaha dawladu waa mishiinka wareejinaya shaqadda dawladda. Waxaanan go’aansanay in la tayeeyo cududda shaqaalaha dawladda, maadaama oo ay yihiin awoodda qaranka wax ka bedeli karta”ayuu yidhi Saylici.

Geesta kale madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ku amaanay haayadda shaqaalaha dawladda in ay dhawaan diyaarisay xeerka xaqsiinta hawl-gabka shaqaalaha dawladda.

Sidoo kale C/raxmaan Saylici, ayaa haayadda shaqaalaha dawladda JSL madaxdeeda ku amaanay diyaarinta siyaasadda shaqaalaha dawladda ee derejooyinka lagu kala siinayo.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haayadda shaqaalaha dawladu waxay diyaarisay xeerka hawl-gabka shaqaalaha dawladda. Waana la ansixin doonaa insha ALLAAH. Waxa kaloo ay diyaarisay siyaasadda shaqaalaha dawladda ee derejooyinka lagu kala siinayay.

Culayska ina haystay markii hore wuxuu ahaa in shaqaalaha dawladu ay A, B, C, iyo D, uun ay ahaayeen, oo halkaa dad badani ay iska dul maynaayeen.

Qofkii khabiirka ahaa ee sodonka sanadood soo shaqaynayay iyo kii jaamiciga ahaa ee dhawaan soo qalin jebiyay, ay isla ahaayeen derejadda A ayay wadda taagnaayeen. Tii maanta waa la kala saarayaa, waxaana loo kala saarayaa derejooyinka kala ah A1, A2, A3, ilaa A5” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Leave a Reply