Burco: Xildhibaano Golaha Guurtidda Ka Socda oo Taageeray Xabad Joojinta Beelaha ku Diriray Deegaanka Cali-saahid

0
73

Burco (Dawan): Xildhibaanno ka tirsan golaha Guurtidda JSL oo ergo ahaan u jooga magaaladda Burco ayaa soo dhaweeyay go’aanka xabad joojinta ah ee ay soo saareen beelaha shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Cali-saahid ee gobolka Togdheer.

Xildhibaanadani oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Burco, ayaa soo dhaweeyay go’aamadda ay soo saareen odayaasha, iyo waxgaradka labadda beelood ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaamadda Cali-saahid, iyo Balli Samatar, ee gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxay xildhibaanadu ugu baaqeen madax dhaqameedka labadda beelood in ay dhaqan geliyaan go’aanka Xabad joojinta ah ee ay soo saareen labadooda dhinac.

Waxa kaloo ay ergadan golaha Guurtida Somaliland ka tirsani ku bogaadiyeen anay xukuumadda doorkii ay ka qaadatay heshiisiinta labadaa beelood.

Xildhibaan Dayib Xasan Boobe, oo u hadlay ergadaasi xildhibaanadda Guurtidda ah ayaa sheegay in ay ergo ahaan soo dhawaynayaan baaqa xabad joojinta ah ee ay madax dhaqameedka labadaa beelood soo saareen.

Waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ka soo jeedinaynaa baaq aanu ku ayidayno go’aankii xabad joojinta ahaa ee shalay (doraad) ka soo baxay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaamadda Cali-Saahid, iyo Balli Samatar, baaqaasi nabadda ah waanu soo dhawaynaynaa.

Xukuumadii oo meesha wax ka dhaceen u baxday, iyo madax dhaqameedkii labadda beelood, iyo baaqa xabad joojinga ah ee ay waxgaradka labadda beelood soo saareen ba waanu soo dhawaynaynaa”.

“Waxaanu soo dhawaynayaa go’aanka xabad joojinta ah ee ay gaadheen labadda beelood ee shaqaaqadu dhex martay, iyo beesha Gogosha dhigtay, iyo beesha kale ee la qaadatay ba” ayuu yidhi xildhibaan Dayib Boobe.

Geesta kale xildhibaanada Guurtida ayaa u mahad naqeen cid kastoo ka qayb qaadatay xal u helid shaqaaqadda deegaamadda Cali-Saahid, iyo Cali Samatar, xukuumadda talladda haysa, maamulka gobolka Togdheer, iyo ka degmadda Burco, iyo madax dhaqameedka kale ee ka qayb qaatay.

Madashii ku dhawaaqista go’aanka xabad joojinta ee ay isla qaateen madax dhaqameedka labadda beelood ee dhaqaaqadu ku dhex martay deegaamadda Vali-saahid, iyo Balli Samatar, oo ka dhacay magaaladda Burco, waxaa goob joog ka ahaa madax dhaqameedka labadda beelood ee shaqaaqadu dhex martay, maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, guddiga nabad-geliyadda ee gobolka Togdheer, iyo sidoo kale xubnahan xildhibaanadda ergadda ah ee ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland.

Waxaanay sheegeen ergadan xildhibaanadda Guurtidu in ay taageerayaan go’aankaasi, iyagoona soo jeediyay in xabad joojintu ay sideedda u dhaqan gasho.

Dhinaca kale xildhibaanadan ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland waxay baaq nabadeed u direen beelaha ku diriray degmadda Ceel-Afweyn, oo ay ugu baaqeen in la joojiyo.

Waxaanay yidhaahdeen “Waxa kaloo aanu baaqayagan uga faa’iidaysanaynaa shaqaaqooyinka kake ee dalka ka jira, haday tahay ta Ceel-Afweyn ka taagan, oo u dhaxaysa laba beelood oo walaalo ah. Iyada na waxaanu ku baaqaynaa in la joojiyo colaadaasi”.

 

 

 

Leave a Reply