Nolosha Wanaagsan Waa Gabadha Wanaagsan!

0
210

Cilmibaadheyaal u dhashay dalkaasi Scotland ayaa natiijadeedii dhowaan lasoo saaray,iyada oo daraasadaasi salka ku haysay sidii loo eegi lahaa caqliga dumarka iyo samaynta ay ku yeeshaan raga ay nolosha la wadaagaan ama la wadaagayaan.

Daraasadan ayaa natiijadeeda lagu sheegay in lagu ogaaday in gabadha caqliga badani ay keeni karto cimri dherer uu ku naaloodo ninka ay nolosha la wadaagto ama ay ay u dhaxday,iyada oo noloshoodu noqoto mid tayo leh.

Khubarada daraasadan samaysay ayaa ka socday jaamacadda lagu magcaabo British University ayaa awooda lagu saaraayey dumarka iyo caqligooda,waxaanay sheegeen khubaradaasi in gabadha oo noqotay mid maskaxdeedu ka badan tahay ay ka ilaaliso inay noloshiisu dib u dhacdo.

Khubaradan oo intii ay wadeen daraasadan sameeyey sidoo kalena tijaabooyin kala duwan ayaa sheegay in ay ogaadeen in raga qaba dumarka caqliga badani ay sidoo kale ka badbaadaan xanuuno badan oo ah kuwa keena inuu ninku u dhinto ama hore u gaboobo.

Xanuunada ay khubaradani sheegeen inuu ninkaasi ka badbaadaa ayaa ay kamid yihiin kuwa ku dhaca maskaxda, gaar ahaana marka uu qofka ku furmo buuqa badani iyo fikirka kala duwani.

Khubaradan oo warbixintoodan ku daabacay wargeyska Telegraph oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in gabadha caqliga badani ay tahay mid ka shaqaysiisa maskaxda, sidoo kalena isku dayda sidii ay ula shaqayn lahayd una caawin lahayd odaygeeda.

Waxa kale oo ay ka ilaalisaa gabadhaasi ayay yidhaahdeen waxyaalo badan oo keeni kara inuu isku buuqo sida hawlaha guriga oo kale,iyada oo mar wabla ku xisaabtanta waxa uu ninkaasi gacanta ku hayo,sidoo kalena raadisa waxyaalo dheeraada oo ay iyadu awoodo inay keento.

Dhanka xidhiidhka ayay sheegeen inay kaga wanaagsan yihiin dumarka maskaxda badani kuwa kale  ama dumarka kale,iyaga oo marwalba isku daya inay ogaadaan waxa uu odaygeedu ku sugan yahay iyo xaalkiisa,waqtina siisa ay ku wada sheekaystaan.

Leave a Reply