Caqliga Abuura Qorshaha Badbaadinta!

0
154

Deegaanka boqortooyada ayaa caado u lahaa in , boqor kastaa uu xukumo 12 bilood oo keliya. Marka ay mudadaasi  dhamaatana waxay geyn jireen boqorka jasiirad, halkaasi ayayna kaga iman jireen. Intaasi kadib ayay doorteen mid cusub.
Markii danbe qof kasta oo deegaanka ahi wuxuy necbaysatay in laga dhigo boqor. Markii boqorkii talada hayay la shaaciyay in wakhtigii ka dhamaaday oo la qaadayo waxa la saaray Maroodi waxaana lagu soo wareejiyay magaalda isagoo murugo badan ka muuqato. Ka dibna doonidii ayaa la saaray si kooxdii qaadi jiraty ay u geeyeen Jasiiradii Boqorada lagag iman jiray.

Laakiin si kasta oo la baafiyay waaba ay waayeen wax jagadaa soo doonta, markii danbe wiil dhalin yaro ah ayaa yidhi aniga iga dhiga. Aad ayaa loogu farxay inkasta oo dadkiisu ay aad uga xumaadeen.

Markii la magacaabay ee uu noqday boqor, ayuu markiiba bilaabay inuu xuuraamo jasiirada, waxaana loo sheegay in ay tahay cidla bahalo joogaan, Ka dibna wuxuu qortay shaqaale xoog ah, oo kolba qaar uu hoos u geeyo isagoo la heshiiyay kuwii doonida ee sanadka oo dhan aan shaqo kale qaban jirin.

Jasiiradii waxay ka gureen geedihii, iyo lafihii boqoradii hore. Waxayna ka beereen beero, iyaguna way iska degeen iyaga oo beerahaa iyo nimacda iskaga dhex jiray.

Markii 12 bilood dhamaadeen ayaa la icilaamiyay in wakhitigii boqorka ka dhaamaday oo la geyn doono jaasiiradii berina lagu soo wareejin doono magaalada.

Markii boqorka la saaray  maroodigii kamay muuqan murugo sidii kuwii hore waana uu qoslayay, dadkii ayaa la yaabay markii la weydiiyayna wuxu ku jawaabay “ Anigu waan qorsheeyay halka aan noloshayda ku dhamaysanayo” Xikumaduna waa dhibaato kasta waxa lagaga baxaa caqliga oo abuura qorshaha wanaagsan.

Leave a Reply