Nuxurka Qodobada Wax-ka-beddelka iyo Kaabistii lagu Sameeyay ee Xeerarka Doorashooyinka JSL

0
156

Hargeysa (Dawan) Fadhigii dorraad ee golaha wakiillada JSL, oo uu guddoominayay Guddoomiyaha golahaasi, Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Fatatoon) waxa goluhu warbixin kaga dhegaystay guddidii is waafajinta doorashooyinka ee goluhu hore ugu saaray, waxaanay guddidaasi golaha u soo jeedisay in la isa saaro labada doorasho iyadoo farsamo ahaan wax lagu daray qoddobada xeerka doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddida goluhu u saaray wax ka badalka xeerka doorashooyinka, Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax, ayaa golaha u sharaxay qodobada wax laga badalay, kahor intaan si buuxda loo ansixin, waxaanu sheegay in ay wax ka badal ku samayeen xeerka guud ee doorashooyinka iyo diwaangalinta codbixiyayaasha qaranka, kaas oo markii hore ka koobnaa 154 qodob, waxaanu xusay inay ku soo kordhiyeen 13 qodob oo cusub.

Sidookale, waxa ay guddida iswaafajinta goluhu kaabis ku sameeyay 35 qodob oo kamid ah Xeer LR 91 ka doorashooyinka ee hore u jiray, iyada oo xogo dheeraad ah lagu daray si loo waafajiyo nidaamka cusub ee doorashooyinka.

Intaas kadib guddoomiye Faratoon ayaa cod galiyay soojeedinta isa saarka doorashooyinka, 64 xildhibaan ayaa ogolaaday soo jeedinta isa saarka doorashooyinka, halka 3 Mudane ayaa ka aamusay, waxa diiday 7 Xildhibaan, sidaas ayuu ku meel maray xeerkaasi oo soo afjaray khilaafkii doorashooyinka ee muddada dheer ka taagnaa Somaliland.

Geesta kale guddoomiye Faratoon waxa uu cod galiyay ansixinta Xeer guud ee doorashooyinka Xeer Lr./91 golaha waxa fadhiyay golaha 75 mudane, waxa ogolaaday 63 mudane, waxa diiday 2 mudane waxa aamusay 9 mudane guddoomiyuhuna muu codayn sidaas ayuu ku ansaxay.

Sidoo kale Xeer Lr./14, Xeerka nidaamka asxaabta iyo ururrada Siyaasadda ayuu cod galiyay guddoomiye Faratoon, 75 ayaa golaha fadhiyay 65 Mudane ayaa ogolaaday, 9 mudane ayaa ka aamusay 6 diiday, sidaas ayuu ku ansaxay.

Dhinaca kale xildhibaanada Golaha wakiillada JSL, ayaa ansixiyey tabashadii ay soo gudbiyeen xildhibaanada Gollaha Wakiilada ku matela golaha wakiillada.

Wargeyska Dawan waxa uu si gaara u iftiimin doona nuxurka qodobada guddidii gaarka ah ee iswaafajinta xeerarka doorashooyinku u xil saareen xeerarka ay wax ka baddelka iyo kaabista ku sameeyaan.

Guddidu waxa ay xuseen in xeer Lr.91/2020 iyo xeer Lr.14/2011 ay u baahan yihiin wax ka badel iyo kaabis badan, isla markaasina ay ka maqan yihiin qodobo badan oo ay tahay in lagu soo daro, guddidu waxa y intaasi ku dartay in labada xeer mid kasta ay ku soo dareen qodobo, isla markaasina qodobadii hore ay ku sameeyeen wax ka badel iyo kaabis.

Xeerka guud ee doorashooyinka iyo codbixiyayaasha guddidu waxa ay soo jeedisay in lagu daro 13 qodob oo cusub kuwaasi oo aan xeerka hore ugu jirin, isla markaana ay muhiim tahay in xeerka lagu daro si uu u noqdo mid dhamaystiran, waxaanay kala yihiin.

Qodobka 14-aad habka go,aan qaadashada koomishanka, qodobka 18-aad xog-hayaha fulinta qodobka 19-aad xubnaha guddida xalinta khilaafaadka, qodobka 20-aad guddi-hawleedyad xisbiyada/ururada, qodobka 91-aad hannaanka doorashada tooska ah ee ururada iyo xisbiyada siyaasada qodobka 92-aad qaabka soo gudbinta liiska xisbiyada iyo ururada siyaasadeed ee tartanka tooska ah qodobka 93-aad kala reebida ururad iyo xisbiyada tartanka doorashada tooska ah qodobka 94-aad ururada iyo xisbiyada u gudbi waaya xisbinimo qodobka 138-aad isu gaynta tirade codbixinta doorashada tooska ah ee ururada iyo asxaabta siyaasada ee xafiiska dagmeda, qodobka 139-aad shaqada xafiiska gobolka ee doorashada tooska qodobka 140-aad hawsha xafiiska dhexe ee doorashada tooska ah qodobka 141-aad ku dhawaaqida natiijadda doorashada tooska ah qodobka 171-aad dacwadaha doorashada tooska ah ee ururad iyo xisbiyada siyaasada.

Sidoo kale guddidu waxa ay sheegeen in wax ka badel iyo kaabis ay ku sameeyeen 35 qodob oo ka mid ah qodobada xeer Lr.91/2020 kuwaas oo kala ah.

Qodobka 2-aad, 3-aad, 10-aad, 12-aad, 13-aad, 16-aad, 22-aad, 30-aad, 42-aad, 48-aad, 63-aad, 64-aad, 67-aad, 72-aad, 80-aad, 81-aad, 82-aad, 84-aad, 85-aad, 87-aad, 94-aad, 100-aad, 102-aad, 104-aad, 117-aad, 122-aad, 124-aad, 127-aad, 128-aad, 130-aad, 132-aad, 135-aad, 137-aad, 152-aad.

Geesta kale guddidu waxa ay hoosta ka xariiqeen xeer Lr.91/2020 oo hore uga koobnaa 156 qodob in ay wax ka badel iyo kaabis ku sameeyeen 35 qodob oo qaarna farqad cusub ay kusoo kordhiyeen qaarna ay wax ka badel ku sameeyeen, waxa ay tilmaameen in xeerka ay kusoo kordhiyeen 13 qodob oo cusub iyo hal qodob oo xeer Lr.14 ay ka soo wareejiyeen sida wax ka badelka xeerka loo qaybiyay ku qoran.

Dhinaca kale guddidu waxa ay sheegeen in xeerka ururada iyo asxaabta siyaasada ee xeer Lr.14 ay ku soo dareen 22 qodob oo cusub kuwaasi oo aan xeerka hore ugu jirin, isla markaan ay muhiim tahay in xeerka lagu daro si uu u noqdo mid dhamaystiran, waxaanay kala yihiin sidan.

Qodobka 2-aad xadka adeegsiga xeerka, qodobka 3-aad ujeedooyinka xeerka, qodobka 4-aad aasaaska guddida diiwaangalinta, qodobka 5-aad qaab dhismeedka guddida diiwaangalinta ururada, qodobka 7-aad shuruudaha magacaabista guddida diiwaangalinta ururada, qodobka 8-aad magacaabista guddida, qodobka 9-aad madax bannaanshaha xubinta guddid, qodobka 10-aad xilka iyo waajibaadka guddida, qodobka 11-aad kulamada guddida, qodobka 12-aad waajibaadka gudoomiyaha iyo ku xigeenka guddida, qodobka 13-aad gunada xubnaha guddida,oo laga soo jaray qodobkii sadexaad ee xeerka, qodobka 14-aad shaqaalaha guddida, qodobka 15-aad miisaaniyada guddida, qodobka 16-aad mudada bilawga abuurista ururada cusub, qodobka 18-aad hab-raaca qabashada codsiyada diiwaangalinta ururad, qodobka 20-aad hab-raaca hubinta in ururadu buuxiyeen shuruudihii, qodobka 21-aad shahaadada hawl-gabka ururada iyo baahinta ururada la diiwaangalinayo, qodobka 22-aad waajibaadka saran ururada haysta shahaadada hawl-galka oo Iyana laga soo qaatay qodobka 5-aad ee xeerka, qodobka 24-aad isku biirista ururada iyo xisbiyada doorashada, qodobka 25-aad qabashada tartan doorasho, qodobka 26-aad bixinta liisamada xisbinimo, qodobka 29-aad diiwaangalinta xubnaha xisbi iyo urur, qodobka 32-aad waajibaadka xisbiyada iyo ururad oo qodobka 5-aad laga soo dheegtay, qodobka 40-aad shir-waynaha xisbiyada iyo ururada, qodobka 41-aad shirarka golaha dhexe ee xisbiyada iyo ururada, qodobka 45-aad astaamaha iyo magacyada.

Sidoo kale guddidu waxa ay iftiimisay qodobada wax ka badelka iyo kaabista lagu sameeyay ee xeer Lr.14/2011 oo kala ah qodobka 1-aad, qodobkii 2-aad ooh adda noqday qodobka 3-aad, qodobka 4-aad, qodobka 5-aad, qodobka 6-aad, qodobka 7-aad, qodobka 8-aad, qodobka 9-aad, qodobka 10-aad, qodobka 13-aad, qodobka 14-aad, qodobka 16-aad, qodobka 17-aad, qodobka 18-aad, qodobka 19-aad, qodobka 21-aad, qodobka 22-aad, qodobka 23-aad, qodobka 24-aad, qodobka 26-aad iyo qodobka 27-aad.

Dhanka kale guddidu waxa ay cadaysay qodobada loo wareejiyay xeer Lr.91/2020 iyo kuwa laga saaray waxaanay kala yihiin.

Qodobka 6-aad waxa loo raray xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangalinta codbixiyayaasha.

Qodobka 11-aad iyo qodobka 15-aad waa laga saaray xeerka sababta oo ah nuxurkoodu waxa u uku jiraa qodobo kale.

Sidaasi darteed xeer Lr.14/2020 oo hore uga koobnaa 28 qodob ayay wax ka badel iyo kaabis ku samaysay guddidu 22 qodob waxaanay ka saareen laba qodob, hal qodobna waxa ay u wareejiyeen xeer Lr.91/2020, waxa aanay xerka ku soo kordhiyeen 26 qodob oo cusub, guud Ahaana waxa uu noqday 51 qodob.

 

Leave a Reply