“Qalalaasaha Laascaanood ka Taagan Somaliland si Dhakhso ah Ayay u Soo Gabo-gabaynaysaa…” Guddoomi Faysal

0
138

Findland (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale ku celiyay in ay Somaliland dhawaan soo af-jarayso qalalaasaha ay kooxaha huwantu ka wadaan gobolka Sool.

Waxaanu sheegay Eng. Faysal, in ay Somaliland ka go’an tahay sidii loo soo gebagebayn lahaa colaadda ay kooxaha argagixisadda isa soo baahaystay ka wadaan magaaladda Laascaanood.

“Arrinta qalalaasaha Laascaanood ka taagan, waanu soo gebagabaynaynaa insha ALLAAH. Si dhakhso ah ayaanu u soo dhamaynaynaa hawshaasi” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo hadal ka jeediyay xaflad ka dhacday dalka Finland, oo uu safar shaqo ku marayo.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa kaloo uu ka hadlay sidii ay iskaashi u wada yeelan lahaayeen dawladaha jamhuuriyadda Somaliland, Soomaaliya, iyo Jabuuti, taasoo uu tilmaamay in ay wax tar weyn u yeelanayso Geeska Afrika.

Waxaanu yidhi “Somaliland iyo Soomaaliya maaha beello maaha, ee waa laba dawladood, ee taa ha la ogaado. Saddexdii dawladood ee Soomaaliyeed ee Somaliland, Soomaaliya, iyo Jabuuti, saddexdu ba waa in ay is-baaysi samaystaan, oo ciidamo difaac wada samaystaan, oo marka wadan la soo weerraro uu ka kale u gurmato, ayaynu samaysanaynaa.

Waana wax weyn saddex dawladood oo Soomaali ah, oo ku wada jirta ururka midawga Afrika AU-da, UN-ka, iyo IGAD. Markaa ta la hor taagan yahay waa taa”.

Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa kula dar-daarmay masuuliyiinta, siyaasiyiinta, aqoon yahanka Soomaaliya in ay taageeraan dawladda mada weyne Xasan Sheekh, oo uu tilmaamay in lagu waddo qorsheyaal lagu fashilinayo.

“Waxaan idinku dar-daarayaa madaxweyne Xasan Sheekh, bar-bar istaaga. Qorshe weyn baa ku socda, oo la doonayo in dawladiisa lagu fashiliyo. In cid kale idiin taliso guul ku keeni maysaan, waa in aad idinku tashataan. Sidii aanu anagu nabadda ku keenay oo kale waa inaad dariiqeedii martaan” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID.

 

 

 

 

Leave a Reply