Ruushka oo diyaariyey 130,000 askari, isla markaana Kordhiyey da’da askaraynta

0
94

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku baaqaya 130,000 oo askari oo loo soo qorayo dayrtan, taas oo kordhinaysa da’da askarta la qorayo oo ah 27 ilaa 30, sida ku cad dukumeenti la soo galiyay mareegaha dawladda Ruushka Jimcihii.

Aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka ayaa bishii July ee la soo dhaafay u codeeyay in sare loo qaado da’da askareynta, waxaana sharcigaas uu dhaqan galayaa 1-da January 2024. Hawlgal milatari ee Ukraine, hadda waxa uu galay bishii 20aad.

Laga bilaabo da’da 18 jir ilaa wixii ka weyn, ayaa qasab lagaga dhigay ragga ku nool Ruushka inay hal sano u shaqeeyaan militariga.

hawsha askareynta ayaa ka bilaaban doonta 1-da bisha Oktoobar dhammaan qeybaha kala duwan ee Ruushka, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga, xitaa gobollada sida sharci darrada ah uu ula wareegay ee Ukraine, ayaa la sheegay in ay ku jiraan Askaraynta.

Luhansk, Donetsk, Kherson iyo Zaporizhzhia waxaa si rasmi ah u qabsaday Ruushka bishii Sebtembar 2022 ka dib markii waxa loogu yeedho afti halkaas ka dhacday, kuwaas oo caalamka oo dhan ay been abuur ku tilmaameen Ukraine iyo wadamada reer galbeedka. Ruushku wuxuu qabsaday Crimea 2014.

Sannadkii hore, Ruushku waxa uu ku dhawaaqay qorshe uu ku kordhinayo in ka badan 30% ciidamadiisa xirfadleyda ah iyo kuwa la qoray ee dagaalka ah, lana gaadhsiiyo 1.5 milyan, qorshahaas oo sii adkeeyey khasaarihii lixaadka lahaa ee ka dhacay Ukraine.

Dhinaca kale reer galbeedka ayaa sii wada inay siiyaan Ukraine qalab milatari, waxa qorshaha ku jira difaaca hawada, madaxa shaqaalaha ee madaxweynaha Ukraine, Andriy Yermak, ayaa u sheegay suxufiyiinta Jimcihii.

– Waxaan filayaa in dhawaan ay halkan iman doonaan khabiiro kuwaas oo samayn doona qorshe wax-soo-saarkayaga wax kasta oo aan u baahannahay oo ay ugu horayso difaaca hawada,” ayuu yidhi Yermak.

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa rajaynaya in khilaafka Ukraine iyo Poland uu hagaagi doono.

Xidhiidhka waxa yara xumaaday Poland, oo xubin ka ah NATO, iyo dalka ay dariska yihiin ee Ukraine, ka dib go’aankii Warsaw ay ku kordhisay mamnuucida soo dejinta badarka Ukraine.

Ruushka ayaa dib u hawl geliyey kooxda Calooshood u shaqaystayaasha ee Wagner. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray mid ka mid ah taliyayaasha ugu sarreeya kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner inuu mas’uul ka noqdo “cutubyo iskaa wax u qabso ah” oo ka dagaallamaya Ukraine. Putin wuxuu u xilsaaray Andrei Troshev inuu sameeyo unugyo iskaa wax u qabso ah oo ka dagaalami doona aagga dagaalka.

Boqolaal dagaalyahano ah oo horey loola xidhiidhin jiray kooxda Wagner “waxay u badan tahay inay bilaabeen inay dib ugu laabtaan Ukraine” shakhsi ahaan iyo kooxo yaryar oo u dagaallamaya qaybo kala duwan oo taageersan Ruushka, Wasaaradda Difaaca Ingiriiska ayaa Jimcihii ku sheegtay cusboonaysiinta sirdoonkeeda maalinlaha ah ee duulaanka Ruushka. ee Ukraine.

Waxa ay sheegtay in warbixinadu ay soo jeedinayaan in ay ku urursan yihiin mujaahidiinta Wagner agagaarka bariga magaalada Bakhmut, oo ah qayb ay waayo-aragnimadoodii hore waxtar u yeelan karto.

Leave a Reply