Ururka Sariflayaasha JSL oo Iftiimiyay Halka uu Salka Ku Hayo Sicir Bararka Ka Jira Dalka

0
112

Hargaysa (Dawan) Guddida joogtadda ah ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta(shalay) u yeedhay masuuliyiinta ururka Sariflayaasha Somaliland, kaasi oo ay wax ka waydiinayeen xaaladda xasil la,aanta sarifka lacagaha qalaad iyo Shillinka Somaliland marka la isku badelayo iyo waxyaabaha sababa.

Sidoo kale waxaa ay guddidu wax ka waydiiyeen masuuliyiinta ururka Sariflayaasha, kaalinta ay ku leeyihiin ka sariflayaal ahaan xaaladda sicir bararka iyo korodhka miciishada quutal daruuriga.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta golaha guurtida ayaa waxaa masuuliyiinta ururka Sariflayaasha wax ka waydiiyay xaalka sarifka iyo isku badelka lacagaha, ku simaha gudoomiyaha guddida joogtadda ah ee golahaasi mudane Jirde Siciid Muxumed.

Intaasi ka dib gudoomiyaha ururka Sariflayaasha Somaliland Barkhad Cumar Coofiye ayaa mudayaasha guddida joogtadda ah ugu warbixiyay xaaladda sarifka suuqyadda Somaliland iyo heerarka kala duwan ee uu maanta sarifka Somaliland marayo.

Waxaanu yidhi ‘’ runtii shanti sano ee u danbaysay dhaqaalaha Somaliland waxa uu ahaa mid fadhiya,shillinka Somalilandna waxa uu ahaa runtii mid lagu kalsoon yahay, taasi oo runtii sida Dollar-ka loo aaminay, shillinkana loo aaminay.

Mudadii sanadkii ugu danbeeyay kolay xaaladda baa yara jirtay oo marba marka ka sii danbaysa shillinka Somaliland culays baa soo yara kordhayay, mid waxaan aaminsanahay in aynu kala qabno caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay, caalamka runtii waxaa ka dhacay dagaalkii u waynaa ee Yukrayn iyo Ruushka, kaasi oo sababay in wax badan isaga iman jireen, Yurub oo kalena dhaqaale burbur badani ku dhacay meelo badan oo caalamka ah ay dhibtaasi gaadhay.

Inaga oo aan ahayn dawlad la aqoonsan yahay, taasi ay noqonayso saamaynta ugu badan in ay inagu hayso, ta kale ee inaga inoogu darsantay waxa weeye in dhaqaalihii u waynaa ee Somaliland markii aynu ka soo doogsanay Covid19 in dhaqaalihii u waynaa ee Somaliland uu burburay oo ahaa suuqii gubtay ee Waaheen, kaasi runtii waxaan u malaynayaa dhaawac buu gaystay dhaqaalaha Somaliland’’.

 

 

Leave a Reply