Suldaan Cismaan Suldaan Cali oo soo Dhaweeyay Go’aankii Wakiillada

0
99

Hargeysa (Dawan) Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah Salaadiinta waa weyn ee Somaliland, ayaa boggaadiyay go’aanka golaha Wakiilladu ku xalaaleeyeen isa saarka doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda.

Suldaanku wuxuu sheegay in loo baahan yahay in horumarka iyo wadajirka Somaliland laga wada shaqeeyo.

Suldaan Cismaan wuxuu sheegay in qoddobadii dhinacooda khuseeyay wixii ugu weynaa oo ah in inamadii cadhooday laga soo dejiyo Buurta Gacan-libaax ay si sharaf leh u hirgashay, wuxuuna amaanay dhallinyaradii ka aqbashay go’aankii odayaashu ula tageen.

Waxa kaloo uu ku baaqay in si xalaal ah loogu tartamo doorashooyinka oo aan la warwareejin, wuxuuna ballan qaaday in qofkii ku guulaystaaba ay la shaqeyn doonaan oo uu ýahay reer Somaliland.

Suldaan Cismaan wuxuu axsaabta iyo ururrada u soo jeediyay inay wadajir iyo midnimo wax ku doonaan.

 

 

Leave a Reply