Maxay shirkadda Air Carabiya u casuuntay Xamladaha arrimaha Xajka iyo Cimrada ka shaqeeya?

0
219

Shirkadda duulimaadyada caalamiga ah ee Air Arabia ayaa kulan casho sharaf ah ku casuuntay shirkadaha Xamladaha ee ka shaqeeya cimrada iyo xajka.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa maadaama oo la galay mawsimkii cimrada sidii wada shaqaynta xamladaha iyo shirkadda kor loogu qaadi lahaa ayaa ka qabsoomay hotelka Carro Edeg ee magaalada Hargaysa.

Shirkadda Air Arabia oo sannadkii hore qaadday dadkii ugu badnaa ee soo gutay waajibaadka Cimrada ayaa ku boorrisay xamladaha sidii loo hagaajin lahaa adeegyada loo qabanayo dadka booqanaya goobaha barakaysan, isla jeerkaasna waxa shirkadda iyo xamladuhu isla eegeen sidii qiimaha hoos loogu dhigi lahaa, sidoo kalana adeegga kor loogu qaadi lahaa.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jewi is afgarad.

Leave a Reply