Laascaanood si Dhakhso ah Ayaanu ugu soo Celin Doonaa Gacanta JSL”

0
150

Stockholm (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale si adag u cadeeyay in ay Somaliland ka go’an tahay sidii Laascaanood loogu soo celin lahaa gacanta Somaliland.

Waxaanu sheegay in aanay marnaba Somaliland ogolaanaynin in magaallo ka mid ah dhulkeedda laga taago calan aan keedda ahayn, iyo in kooxo argagixiso iyo shisheeye ahi ay qabsadaan.

Guddoomiyaha UCID ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay si dhakhso ah gacanta ugu dhigayso magaaladda Laascaanood, isla markaana ay marka hore wadahal ku baaqayaan, balse haddii ay taasi suurtoobi waydo in ay xoog ku soo ceshanayaan.

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ay waraysi la yeelatay laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda BBC, waxa uu sheegay in bulshadda reer Sool ay u aqoonsan yihiin dad reer Somaliland ah, balse aanay aqbalaynin in kooxo xagjir ah iyo maamulo kale ay sheegtaan.

Guddoomiyaha UCID oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay safarka uu todobaadkan magaaladda Muqdisho ku tegay hogaamiyaha kooxda Khaatumo, ayaa tilmaamay in aanay arrintaasi wax qiimo leh u arag Somaliland.

Waxaanu yidhi “Anagu ma aaminsanin wax la yidhaahdo SSC, reer Laascaanood waa beel ka mida beelaha Somaliland. Wax macno ahna ma leh safarka hogaamiyaha Khaatumo. Waa nin Soomaali ah oo tegay magaallo Soomaaliyeed, wax micno ah oo ay noola muuqataa ma jirto.

Marka ay ay noqoto safarka ninka la sheegay in uu yahay hoggaamiyahana, waa nin Soomaaliyeed oo tagay dhul Soomaaliyeed. Nin intuu dad shisheeye ah ku qabsaday magaallo oo yidhi dal kale ayaan ku darayaa Somaliland wax macno ah uma leh.

Laascaanood si dhakhso ah ayaanu ugu soo celin doonaa gacanta Somaliland, nidaamkii, kala danbayntii, horumarkii, iyo waxbarashadii”.

Geesta kake guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in ay Somaliland si dhakhso ah gacanta ugu soo celinayso Laascaanood.

“Wahadal iyo weerar ba waa lagu qaadayaa. Haddii ay Laascaanood ka bixi waayaan argagixisadda, iyo dadka shisheeyaha ah, iyo maamulka Garoowe, waa lama huraan, la na ogolaan maayo cidnaba in magaallo wadankayaga ka tirsan ay callan kale ka taagaan, adduunka meel laga ogolaadaa ma jirto, Somaliland na ma ogolaanayso.

Magaallo ka mid ah Somaliland ku jiri maayaan kooxo argagixiso ah, iyo dad maamul kale sheeganayaa. I arkaay, i qariyaay baa ka danbayn doonta”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

 

 

Leave a Reply