WEEDHA WARGEYSKA Soomaaliya Way Ka Tanaasushay Dhabihii Wada-hadallada iyo Nabadda

0
154

Jamhuuriyadda Somaliland marnaba ma ogolaanayso inay nabad iyo wanaag kula xaajooto cid kasta oo ka shaqaynaysa hadimada iyo hagar-daamada jiritaankeeda dawladnimo iyo midnimada shacbigeeda, waxaanay diyaar u tahay, awoodna ay u leedahay inay jawaab ku filan siiso dawlad kasta iyo Urur kasta oo si toosa ama si dadban ugu xad-gudba amniga Qaranka iyo xayndaabkeeda dhulleed oo ah mid aan muran iyo mugdi toona ku jirin, kuna qeexan shuruuc caalami ah iyo heshiisyo banyaal ah.

33 sannadood oo ay Somaliland ahayd Qaran madaxbanaan, isla markaana ku jirtay marxalad koritaan Dawladdeed iyo horumar amni ku socda, ma jirto Dawlad deriskeeda ah oo sheegatay ama qaadatay Taako kamida dhulkeeda, waxaana wadamada jiiraankeeda ah ka dhexeeyey Iskaashi iyo xasilooni ku-wada macaamil loo wada baahi qabo. Dalalkaasina waxa kamida Itoobiya, Djibouti iyo wadamada kullaala badda cas iyo gacanka Cadmeed.

Hase yeeshee meesha qudha ee uu dabka iyo dagaalka micno-darrada ahi kaga socdaa tan iyo 1993-kii waa Dalka Soomaaliya , kaasoo shacbigiisa iyo dadka Somaliland ay yihiin umad walaalo ah oo ay ka dhaxayso Diin, Dhaqan iyo diirba, balse hadba cidda hogaaminaysa maamulkiisa aan caggo-dhigan ay fidno iyo falsafad shaydaan kula soo xad-gudbayaan Somaliland, iyadoo ujeeddooduna ay tahay inay ka soo horjeedaan madaxbanaanida Qaran dalkeena.

Colaada Soomaaliya ay ku hayso Somaliland waa mid hadba waji cusub yeellanaysay, laakiinse aynu ula tacaamulaynay si tudhaale ku jiro, adduunkuna uu ka gaabiyey in la soo afjaro oo xal waara laga keeno, waxaana dariiq lagu gaadhi karo nabadgelyo iyo derisnimo ugu dhawaa wadahadalladii bilaabmay 2012-kii oo heshiisyadii ka soo baxayey tobankii sannadood ee ay socdeen mar walba ay Soomaaliya ku tumanayso dhaqan-galkooda.

Haddaba, inkasta oo gulufka siyaasaddeed ee Soomaaliya ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland aanu ahayn wax cusub oo aynu iminka aqoonsanayno, hase yeeshee marxalada uu hadda marayo ayaa ah mid aan la sii eeggan karin, jawaabteeduna ay cawaaqib xun yeellanayso haddii aanu Maamulka fadhiidka ah ee Muqdisho lagu ilaaliyaa aanu joojinin qorshaha uu doonayo inuu ku furfuro gobollada Somaliland shacbiga ku dhaqan, taasoo ah isku-day doqonniimo iyo diciifnimo ah oo aanay natiijo wanaagsani uga dhiiqi doonin, balse bilow u noqon doonta colaad rasmi ah oo dhex marta labada Dal.

Qorshaha cusub ee ay Muqdisho iclaamisay, ayaa waxa kamida talaabada ay maalintii Khamiista ee todobaadkii hore ku soo dhaweysay hogaamiyaha Kooxda Huwanta ah ee amni-darrada iyo fawdada ka sameeyey Magaalada Laascaanood ee caasimada Gobolka Sool, kaasoo ay xubno kamida golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya soo dhaweeyeen, isla markaana uu qaabiley reysalwasaaraha dalkaasi, iyadoo ay siiyeen mustawe ah inuu yahay madaxweyne maamul-gobolleed ka tirsan nidaamka halkaas ka jira.

Arrintaasi oo ah khaladkii ugu weynaa, uguna dambeeyey burburinta wadahadalladii u socday labada Waddan, waxa kale oo uu si cad lidi ugu yahay, saameyn tabanna uu ku yeellanayaa amaanka gobolka iyo badqabka wada-noolaanshiyaha bulshooyinka walaalaha ah.

Sidaasi darteed, Xukuumadda Somaliland waa hubaal inay qaadi doonto talaabo jawaab u ah faro-gelinta qaawan ee ay Xamar ku kacday, hase ahaatee waxa la gudboon maamulka Xasan Sheikh Maxamuud inuu caddeeyo mowqifkiisa ku wajahan qaddiyada Somaliland iyo inuu ka tanaasulay dhabbihii wadahadallada iyo nabadda, taasoo sida laga dheehanayo hab-dhaqankiisa ay iminka la eekoonaatay inay ka gudbaan oo aanay wax dan ah ka lahayn in la gaadho heshiis iyo mustaqbal wanaagsan oo la wada leeyahay.

 

 

 

 

 

Leave a Reply