Shan Ceel oo Lagu Kordhinayo Biyo-ballaadhinta Berbera

0
190

Berbera (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha JSL, Mudane Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), ayaa degaanka Kala-jab ee gobolka Saaxil ka dhagax-dhigay shan Ceel-biyood oo lagu kordhinaayo biyo-ballaadhinta magaalada Berbera iyo 35 Km oo beebabka biyaha qaada ah.

Mashruucan biyo balaadhinta tuulo Barwaaqo ee degmada Berbera waxa iska kaashanaya, wasaaradda horumarinta biyaha JSL, dowladda hoose ee degmada Berbera iyo Sheekh Nayaal Rashiid Seyf oo dhashay dalka Masar, isla markaana ku deeqay mashruucan.

Sidoo kale wasiir Cali Mareexaan waxa uu sheegay in guud ahaan dalka oo dhan bari ilaa galbeed ay ka socdaan mashaariic biyood, waxaanu intaas ku daray in dalka oo dhan olole biyood oo xooglihi uu ka socdo, waxaanu tilmaamay in biyuhu ay kordheen ilaa boqolkiiba laba boqol, marka Miyiga iyo magaalooyinka la isku darro.

Waxaanu yidhi.“Shanta ceel oo kaliya maaha ee waa ilaa beebabkii oo 35 Km noqonaya, shanta ceel iyo qalabkoodaba waxa lagu xidhi doona biyo balaadhinta magaalada Berbera, waxaana loogu tallo galay qaybta galbeed ee magaalada, garoonka diyaaradaha iyo meelaha ku dhaw, oo biyihii magaaladu aanay gaadhi jirin, xagga Galbeed ayay magaalada ka soo geli doonaan, mashruucan waxa innoogu deeqay muwaadin Masri ah, mashruucani waa mid balaadhan.

Berberi waa magaalo halbowle ah, waa magaalo kulul, waa magaalo biyo badan u baahan, dadka oo kaliya maaha ee xoolo badan ayaa ka dhoofa, Maraakiib badan ayaa timid, dhismayaal cusub ayaa ka socda, marka markasta waxa ay u baahan biyo, guud ahaan dalka bari ilaa galbeed mashaariic biyood ayaa ka socda, ama caalamka halaga keeno oo dowladdu cid waraaqo haw qorto oo ha codsato ama miisaaniyada halagu darro, olole xoogle oo dhanka biyo gelinta ah ayaa ka socda dalka, biyuhu waxa ay kordheen ilaa boqolkiiba laba boqol, marka Miyiga iyo magaalooyinka la isku darro”

 

 

 

Leave a Reply