Gudidda Nabad-gelyada Sanaag oo ka Hadlay Xaaladda Ceerigaabo

0
103

Ceerigabo (Dawan) Gudidda Nabad-gelyada Gobolka Sanaag ayaa ka hadlay xaaladda nabad-gelye ee guud ahaan Gobolka Sanaag, iyo shaqaaqo ka dhacday Magaalada Ceerigaabo oo u dhaxaysay Ciidamada Booliska iyo koox Khamriilayaal ah.

Guddoomiyaha Gobalka Snaaag Axmed Cabdi Muuse ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Booliska Ceerigaabo ay iska caabiyeen shufta Sakhraamiin ah oo doonayay in khakhal galiyaan Nabedgalyada Magaalada Ceerigaabo, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Ceerigaabo waxa bilaabay cid doonaysay in khalkhal galiso nabedgalyada, cadawna ku ah wada noolaashaha bulshada Magaalada Ceerigaabo, kana soo hor jeeda nabedgalyada Magaalada Ceerigaabo. Gacan bir ah ayaynu ku qabanaynaa cid kasta oo nabedgalyo daro wadda, waxaana caabiyeen Ciidanka Boolisku shuftadaa Cabtooya ee isku dayay in khakhalka abuuraan”.

Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Sanaag Gaashaanle dhexe Muuse Xasan Kaahin ayaa waxa uu tilmaamay in niman sakhraamiina weerar ku soo qaadeen Ciidanka Booliska oo roonda ku jiray waxaanu yidhi “Marka aan ka warbixiyo Magaalada Ceerigaabo waxa dhacday rabshad yar oo ay kiciyeen niman sakhraamiina oo hubaysan ayaa waxa ay soo weerareen goob Ciidanka Booliska roonda kaga jiray,waxaana nimankii Sakhraamiinta ahaa gacan ka heleen dad wax magarata oo ku gacansiiyay dagaalkii ay ku soo qaadeen Ciidanka Booliska.wax dhimasho ah majiraan dhawr dhaawaca ayaa jira oo Ciidanka booliska ka mida,”.

Sidoo kale Taliyaha qaybta 3aad ee Ciidanka qaranka Sarreeyo Guuto Muuse Jaamac Dalaf ayaa waxa uu tilmaamay in niman Khamriyaala oo dabo socday khamriyaal la soo xidhay ay weerar ku soo qaadeen Ciidanka booliska.Waxaana uu yidhi”Waxa Ciidanka qabqabteen niman cabtooya oo habeenimo Magaalada xabado karida,niman arinta dabojooga oo cabtooya ayaa soo weeraray Ciidanka Booliska oo roonda.dagaal ayaa sidaa ku bilaabmay waxaana jira wax magarato garabsiiyay,”.

Leave a Reply