Ururka Macalimiinta Somaliland oo Xusay Maalinta Macalinka

0
132

Hargeysa (Dawan)- Shanta bisha October, waa maalin loo asteeyey maalinta macalinka Somaliland; sanad walbana waxaa dalka Somaliland laga xusaa maanta oo kale maalinta macalinka, si loo weyneeyo muhiimada uu macalinku u leeyahay barbaarinta ubadka, cidhibtirka jahliga iyo horumarinta bulshada.

Munaasibad balaadhan oo ay soo agaasimeen Ururka Macalimiinta Somaliland ee SOLTA, oo lagu qabtay magalaada Hargeysa; ayaa daarneyd xuska maalinta macalinka aduunka, oo sanad walba wakhtigan oo kale lagu xuso maalinta macalinka Somaliland.

Madashan oo lagu maamuusayey macalinka Somaliland, ayaa waxaa kasoo qayb-galay masuuliyiin kala duwan, xildhibaano, abwaano, aqoonyahanno, macalimiin iyo marti sharaf kale.

Xafladan oo ahayd mid si heersare loo soo qaban qaabiyey, ayaa si wada jir ah loogu muujiyey qiimaha iyo kaalinta uu macalinku ku leeyahay horumarka dalka.

Madaxda ururka SOLTA iyo marti-sharaftii kale ee munaasibada ka hadlay ayaa dhamaantood isaga markhaati furay waayaha iyo wacyiga ku gedaaman bahda macalimiinta, waxaanay tilmaameen in loo baahan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa mustawaha Macalinku kaga jiro bulshada.

 

 

 

 

Leave a Reply