Badhasaabka Togdheer oo Dawooyin Ku Wareejiyay Cusbitaalka Qori-lugud

0
218

Qori-lugud (Dawan): Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Nafaqo, ayaa shaaciyay in xukuumadda Somaliland ay bar-bar taagan tahay abaabulka ay bulshadda degmadda Qori-lugud, iskaga difaacayaan kooxaha Huwanta ah ee halkaa isku soo urursaday.

Kooxahaasi Huwanta ah ayuu badhasaabku sheegay in ay muddooyinkanba halkaa ka wadeen sidii ay colaad ugu soo qaadi lahaayeen degmadda Qori-lugud ee gobolks Togdheer.

Halka sidoo kale na ay bulshadda deegaankaasi iyagna si weyn ugu diyaar garoobeen sidii ah kooxahan Huwanta ah iskaga difaaci la haayeen.

Maxamed Ibraahim Nafaqo, waxa uu sheegay in maamulka gobolka Togdheer, iyo xukuumadda Somaliland ba ay Isha ku hayaan dhaq-dhaqaaqyadda ay kooxahaasi Qori-lugud, ka wadaan.

Waxaanu tilmaamay in difaaca dalka, iyo qaranka, iyo deegaankaasi ba ay dawladu diyaar baanu u tahay.

Guddoomiyaja gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Nafaqo, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay xili ay shalay maamulka cusbitaalka degmadda Qori-lugud, ku wareejinayeen Daawooyin, iyo qalab kale oo caafimaad.

Daawooyinkaasi, iyo qalabkaasi caafimaad oo ay wasaaradda Caafimaadka Somaliland ugu tallo gashay cusbitaalka Qori-lugud, waxaa gaadhsiiyay isku-duwaha wasaaradda Caafimaadka JSL ee gobolka Togdheer.

Kormeerka badhasaabka Togdheer ee Qori-lugud, waxaa ku wehelinayay taliyaha qaybta ciidanka booliska ee gobolka Togdheer Gaashaanle Cali Maxamed Faarax, isku-duwaha wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee gobolka Togdheer, iyo masuuliyiin kale.

Kormeerkaasi ayaa la xidhiidhay u kuur gelidda baahiyaha addeegyadda caafimaadka ee degmadaasi, iyo xaaladaha nabad-geliyo ee ku soo kordhay.

Badhasaabka Togdheer Maxamed Ibraahim Nafaqo, ayaa kormeerkaasi ku tilmaamay mid xog ogaal u noqoshada degmadda Qori-lugud, oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta (shalay), kormeerkayagu wuxuu daarranaa xaaladaha ku soo kordhay degmafda Qori-lugud. Haday noqoto dhanka caafimaadka, iyo dhanka amaanka, iyo haday tahay dhanka arrimaha bulshadda ba, in aanu ka qayb qaadano.

Waan u mahad celinayaa wasaaradda Caafimaadka Somaliland, oo uu ugu horeeyo isku-duwaha ee gobolka Togdheer, oo isagu mar walba heegan ugu jira sidii degmadda Qori-lugud daawooyin loo gaadhsiin lahaa.

Iyadoo na ay noqonaysa markii saddexaad ee uu agab caafimaad iyo daawooyin soo gaadhsiiio. Aad baanan ugu mahad celinayaa”.

Guddoomiye Nafaqo, waxa kaloo ui ka warbixiyay xaaladaha amaan darro ee ay kooxaha Huwantu deegaankaasi ka wadaan, iyo qorshaha xukuumadda Somaliland.

Waxaanu yidhi “Xaaladaha amaan ee degmaddan Qori-lugud, ku soo kordhayna dawladda Somaliland, shacabkeedda, iyo dadka deegaankani ba guud ahaan Isha ayay ku hayaan. Huwanta, iyo dadka isa soo baahaystay waxyaabaha ay ka wadaan, tallaabo ayaana la qaadi doonaa.

Bulshadda deegaankani isku tashigoodda aad baan ugu mahad celinayaa. Waxaanan leeyahay hawsha halkaa ka wadda.

Difaaca dalka, iyo qaranka, iyo deegaankan ba inta diyaar baanu u nahay dawlad ahaan, iyo shacab ahaanba”.

Dhinaca kale badhasaabka Togdheer iyo masuuliyiinta kale ayaa dhagax dhigag qayb cusub oo lagu kordhinayo cusbitaalka degmadda Qori-lugud.

Sidoo kale waxay masuuliyiintu dhagax dhigeen dhismeyaal cusub oo lagu kordhinayo saldhiga booliska ee isla degmadda Qori-lugud.

 

 

 

 

 

Leave a Reply