Ciidanka Booliska oo Qabtay 6 Eedaysane, 2 Harimacad iyo Gaadhigii lagu Waday

0
105

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Ciidanka saldhiga degmada Axmed Dhagax, ayaa gacanta ku soo dhigay 6 eedaysane, laba Harimacad oo ay ka ganacsanayeen oo ay doonayeen inay dalka ka dhoofiyaan iyo gaadhigii lagu siday.

Haramicadyadan ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay sameeyeen ciidanka saldhiga booliska degmada Axmed Dhagax iyaga oo kaashanaya ciidanka Xuuranka.

Taliyaha saldhiga degmada Axmed ayaa sheegay in degaanka Baliga-cas laga soo qabtay Harimacadyadan iyo raggi watay, waxaanu intaas ku daray inay usuuragalisay wada shaqaynta ay bulshada la leeyihiin, waxaanu ku ammaanay bulshada sida ay markasta u garab taagan yihiin ciidamada.

Waxaanu yidhi. “Qaybta ii qaabilsan xuuranka ayaa soo sheegay Harimacadyadan aanu soo qabanay, degaanka Baliga-cas ayaanu ku soo qabanay, waxa kale oo aanu ku soo qabanay 6 maxbuus oo siday labadan Harimacad, waxaanay u siteen labada Harimcad ganasci ahaan, waxaanay doonayeen inay geeyaan xeebta inta kadibna ay sidaasi ku gudbiyaan, gaadhigii lagu siday oo Indha-cade ahaana waanu soo qabanay, bulshada ayaa aad noogala shaqayay soo qabashada Xayawaankan, bulshada waxaan leeyahay waa Khayraadkii dalkeena cid idinka lihi majirto ee aan wada ilaashano, balse in aynu lacag ku soo beddelano aad ayay mushkilad u tahay,”

“Hawlgal ay ciidanka boolisku ka sameeyeen Xaafada Axmed Dhagax, waxa ay ku soo qabteen laba Harimacad oo yar yar oo ganacsi ahaan loo watay, waxa laga soo qabtay Baliga-cas, eedaysanayaashi lagu soo qabtayna waala hayaa, sharciga ayaa la horgeyn doona”Ayuu yidhi sarkaal ka tirsan ciidanka boolisku.

Agaasimaha waaxda Duurjoogta ee wasaaradda degaanka iyo isbeddelka cimillada Somaliland, ayaa sheegay in Harimacadku uu yahay khayraadkii dalka, isla markaana aan la iibsan karin, laga ganacsan karin, sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo Duurjoogtu, Xeer Lr. 96/2015, waxaanu intaas ku daray in sharciga la horgeyn doono eedaysanayaasha, Harimacadyada iyo gaadhiga lagu sidayba, balse inta ka horraysa ay iyagu booliska kala wareegayaan xannaanayntooda iyo daryeelkoodana ay iyagu gacanta ku haynayaan.

Waxaanu yidhi.“Ciidanka saldhiga degmada Axmed waan uga mahadcelinaya hawlgalkii ay sameeyeen ee ay ku soo guulaysteen, Harimacadku, waa khayraadkii dalka, lama iibsan karo, lagama ganacsankaro, sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo Duurjoogtu, Xeer Lr. 96/2015, Duurjoogtu waxa ay qiimo ku leedahay duurka ee halkeeda haloo daayo, cidkasta oo ficil xun kula kacdana sharciga ayaa lala tiigsanaya, labadan Harimacadna waxa ay ka mid yihiin waxa la yidhaahdo marag muujinta, si ku meelgaadha ayaanu gacanta ugu sii hayn doona, marka danbena maxkamadda ayaanu horkeeni doona.”

 

 

Leave a Reply