Hargeysa: Biyo-mareenno Laga Hirgeliyay Xaafada Sheekh Mubaarik

0
150

Hargeysa (Dawan) Dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa ayaa xadhigga ka jartay biyo-mareeno ay ka hirgalisay xaafadda Sheekh Mubaarik ee Magaalada Hargaysa.

Maayar ku Xigeenka Magaalada Hargeysa Khadar Axmed Cumar oo hadal ka jeediyay xadhig ka jarka biyo-mareenka ayaa waxa uu sheegay in ay waajib ku tahay in ay wax ka qabtaan baahiyaha shacabka. Waxaana uu yidhi “Waxa waajib nagu ah in aan ka jawaabno baahiyaha aad soo gubisaan, waxa aynu ka warqabnay goobtan aynu ku suganahay in xaafadani ku dhibanayd. anagana masuuliyad ayaanu dareemi jirnay markasta oo roob da’o. sidaa daraadeed Maanta waxa farxad noo ah goobtii khatarta lahayd oo manta ay biyuhu si fudud u marayaan oo biyo mareen laga sameeyay, waxaana ay ku timid iskaashiga aynu samaynay.”

Sidoo kale shacabka ku dhaqan xaafadda Sheekh Mubaarik ee Magaalada Hargaysa ayaa waxa ay uga mahadnaqeen Dawlada hoose hirgalinta biyo-mareenka ay ka hir galisay xaafadaas. kaas oo dhibaato kala kulmi jireen wakhtiyada roobabka.

 

 

Leave a Reply