Hay’adda Waddooyinka oo ku Hawlan Banaynta Jidka Gabiley iyo Caadda

0
98

Gabiley (Dawan) Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, ayaa ku hawlan dhismaha jidadka u kala goosha gobollada iyo degmooyinka dalka, iyada oo u qalab qaadatay sidii ay u hirgelin lahayd jidad lagaga maarmo jid yaraanta ka jirta dalka iyo sidoo kale sidii loo heli lahaa jidad la jaan qaadaya casriga hadda kuwaasi oo isku xidha magaalooyinka dalka.

Hay’adda waddooyinka iyo injineerradeeda ayaa hadda ku hawlan dhismaha iyo banaynta Jidka isku xidha Gabiley illaa Caadda, oo ka mid ah waddooyinka Wakaaladdu ka hir galinayso dalka, waxaanu jidkani noqon doonaa mid faa,iido badan u yeesha bulshada u kala safraysa magaaladda Gabiley iyo deegaanada Caadda.

Gaadiidka kala duwan Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, oo ku guda jira hawl-maalmeedkooda shaqo ayaa dardar galiyey dhismaha iyo bannaynta qaybaha ugu dambeeya Jidka isku xidha Gabiley Illaa degaanka Caaadda oo ay Wakaaladdu muddooyinkii ugu hawsheeda ku jirtay.

Eng. Cabdiraxmaan Ismaaciil Xasan (Dhagacadde) oo ka mida hawl-waddeenada wakaaladda wadooyinka Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawsha baaxada leh ee ka socota jidka isku xidha degmada Gabiley iyo degaanka Caadda.

Waxaanu yidhi.“Jidkan muhiimka ah, hawshiisu si wanaagsan ayay u socotaa ilaa hadda haddii ALLE yidhaahdo.

Qaybaha imika shaqadu ka socotaa waa dhul buuralay ah, illaa imikana hawshu si wanaagsan oo dardar leh ayay u socotaa, sidii qorshuhu ahaana dhammaanba hawl-qabadkani waa noogu socdaa, waanu wadayna ilaa aanu gaadhayno halka aanu u socono haddii ALLE Idmo.”

Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland ayaa u astaysan banaynta iyo dhismaha jidadka ka baxsan magaalooyinka iyo sidoo kale dib u habaynta lagu samaynayo jidadka burburku ku yimaado, kuwaasi oo ay dib u habayn ku samayso siu u u noqdo jid ay adeegsan karaan gaadiidku.

Ma ahan jidkii u horeeyay ee ay Wakaallada Horumarinta Wadooyinka Somaliland ay dhis iyo banyan ku samayso, balse waxa jira guud ahaan dalka oo dhan in ay wakaalladu ka hirgaliso jidad muhiim u ha isu socodka gaadiidka iyo dadka, kuwaasi oo ay shacabku hore ugu riyaaqeen kagana raysteen jid la,aantii iyo jid xumadii hore u haysan jirtay.

 

 

 

 

Leave a Reply