Wasiirka Caafimaadka oo Qabtay Shir Lagaga Arrinsanayey Xumadda Dengue Fever

0
169

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa qabtay shir lagaga arrinsanayey xumada (Dengue Fever), mar labaad dalka ku soo noqotay.

Kulankan waxaa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, agaasimaha Waaxda adeega Caafimaadka iyo Horumarinta Cisbitalada, isu’duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Marood-ijeex, agaasimaha Cisbitaalka guud iyo madaxda Cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee aan dawliga ahayn.

Kulankan ayaa intii uu socday wasiirka iyo masuuliyiintii kale ee ka soo qayb gashay ay diirada ku saareen qaabka loo waajahayo xumadda (Dengue Fever).

Geesta kale waxa la isla qaatay in la joogteeyo xidhiidhka wada shaqayneed ee wasaarada iyo cisbitalada aan dawliga ahayn, waxaana la isla meel dhigay sidii looga horti lahaa xumada cusub ee hadda dalka ka jirta

Leave a Reply