Xikmadaha Maanta

0
171

Maanta dunida waxa ka cabanaya buurida iyo subagga jidhkooda ku batay, dad gaadhaya 1.3 Billion qof,  halka 900 milyan oo kale waxay ka cabanayaan gaajo iyo macaluul. Rasuulka Allah (scw) ayaa isna dhagax ku xidhay calooshiisa gaajo darteed. Maantana dadku waxay calooshada ku xidhaan suun si ay u yareeyaan dhereg dartiis.

Sheekh Ibnu Qiyam oo ka mid ah culimada muslimiinta ayaa yidhi :” Waxa laga yabaa adigoo hurda in Samada kaga yimaadaan abaal marinta aad ka heshay Allah (sw).

Qof faqiir ah oo aad caawisay, mid gaajaysan oo aad cunto siisay, qof murugaysan oo aad ka farxisay. Qof dhibaato hayso oo aad ka fayday. Haddaba ha yaraysan inaad khayrka samayso.

Leave a Reply