Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Laban Laabtay Joojinta Ka Ganacsiga Duur Joogta

0
163

Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland ayaa xoojisay wax ka qabashadda ganacsiga sharci darrada ah ee loo gaysto duur joogta.

Waxaanay wasaaradu si weyn iskaga xil saartay joojinta dhoofinta noocyadda kala duwan ee ugaadha ku nool dalkan Somaliland, iyo sidoo kale kuwa laga soo qabsado meelaha ka baxsan Somaliland ee sida dhuumashadda ah looga soo gudbiyo xuduudaha dalka.

Tallaabooyinkaasi ay wasaaradda Deegaanka Somaliland ku xakamaynayso joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duir joogta ayaa keenay in la soo bad-baadiyo xayawaano si qarsoodi ah dalka looga dhoofinayay.

Waxaana jiray hawl gallo ay muddooyinkan danbe qaaday wasaaradda Deegaanka, oo kaashanaysa ciidamadda amaanka, kuwaasoo lagu soo qabtay duur joog la tahriibinayay.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa hawl galkii ugu danbeeyay ee ka dhanka ah xakamaynta dhoofinta duur joogta ee ay qaado wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Waxaanay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL oo kaashanysa

Ciidanka  Booliska Somaliland  ay 18-kii bishan October, gacanta ku soo dhigtay Harimacadyo la doonayay in si qarsoodi ah dalka looga dhoofinayo.

Kadib hawl gal ay iska kaashadeen masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland, iyo ciidanka booliska ee saldhiga degmadda Axmed Dhagax, ee caasimadda Hargaysa, ka fuliyeen xaafado ku yaalla dhinaca Koonfureed ee caasimadda.

Waxaana hawl galkaasi lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigay in la soo qabtay laba Harimacad oo ganacsi ahaan loo watay, iyo lix nin oo eedaysaneyaal ah, iyo baabuurkii ay ku sideen.

Haramicadyadan oo ahaa kuwa yar yar ama dhal ahaa ayaa lagu soo qabtay hawl gal ay degaanka Baliga-cas, oo ku yaalla Koonfurta Hargaysa ay ka fuliyeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Deegaanka, iyo ciidanka saldhiga booliska degmada Axmed Dhagax, iyaga oo kaashanaya ciidanka Xuuranka.

Waxaana hawl galkaasi hogaaminayay taliyaha saldhiga booliska ee degmadda Axmed Dhagax, iyo agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda C/naasir Xuseen Siciid, iyo taliye ku-xigeenka qaybta booliska ee gobolka Maroodijeex.

Agaasimaha waaxda Duur joogta ee wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimillada Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, ayaa sheegay in eedaysaneyaasha lagu soo qabtay iyagoo Harimacadyadan tahriibinaya in sharciga la hor gayn doono.

Waxaanu tilmaamay C/naasir, in Harimacadku uu yahay khayraadkii dalka, isla markaana aan la iibsan karin, laga na ganacsan karin.

Sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo Duurjoogtu, Xeer Lr. 96/2015, waxaanu intaas ku daray in sharciga la horgayn doono eedaysanayaasha, Harimacadyada iyo gaadhiga lagu siday ba.

Balse inta ka horraysa ay iyagu booliska kala wareegayaan xannaanayntooda iyo daryeelkooda, isla markaana ay iyagu gacanta ku haynayaan.

Waxaanu yidhi “Ciidanka saldhiga degmada Axmed waan uga mahadcelinaya hawlgalkii ay sameeyeen ee ay ku soo guulaysteen, Harimacadku, waa khayraadkii dalka, la ma iibsan karo, lagama ganacsankaro.

Sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo Duurjoogtu, Xeer Lr. 96/2015, Duurjoogtu waxa ay qiimo ku leedahay duurka ee halkeeda haloo daayo.

Cid kasta oo ficil xun kula kacda na sharciga ayaa la la tiigsanayaa, labadan Harimacad na waxay ka mid yihiin waxa la yidhaahdo marag muujinta.

Si ku meel-gaadha ayaanu gacanta ugu sii hayn doonaa, marka danbe na maxkamadda ayaanu horkeeni doonaa”. Sidoo kale aliyaha saldhiga degmada Axmed, ayaa sheegay in degaanka Baliga-cas laga soo qabtay Harimacadyadan iyo raggi watay ba.

Waxaanu tilmaamay inay soo qabashadda raggaasi Harimacadka dhoofinayay u suurto galisay wada shaqaynta ay bulshada la leeyihiin. Waxaanu ku ammaanay bulshadda sida ay markasta u garab taagan yihiin ciidamada booliska.

Waxaanu yidhi “Qaybta ii qaabilsan Xuuranka (wardoonka), ayaa soo sheegay Harimacadyadan aanu soo qabanay, degaanka Baliga-cas ayaanu ku soo qabanay.

Waxa kale oo aanu ku soo qabanay 6 maxbuus oo siday labadan Harimacad. Waxaanay u siteen labada Harimcad ganasci ahaan. Waxaanay doonayeen inay geeyaan xeebta, inta kadibna ay sidaasi ku gudbiyaan. Gaadhigii lagu siday oo Indha-cade ahaana waanu soo qabanay”.

“Bulshadda ayaa aad noo gala shaqaysay soo qabashada xayawaankan. Bulshada na waxaan leeyahay waa Khayraadkii dalkeena cid idinka lihi ma jirto ee aan wada ilaashano, balse in aynu lacag ku soo beddelano aad ayay mushkilad u tahay” ayuu yidhi taliyaha saldhiga booliska degmadda Axmed Dhagax, ee caasimadda Hargaysa.

Geesta kale taliye ku-xigeenka qaybta booliska ayaa isna hawl galkaasi ka war bixiyay.

Waxaanu yidhi “Hawl gal ay ciidanka boolisku ka sameeyeen xaafada Axmed Dhagax, waxa ay ku soo qabteen laba Harimacad oo yar yar oo ganacsi ahaan loo watay.

Waxaa laga soo qabtay Baliga-cas, eedaysanayaashi lagu soo qabtay na waa la hayaa, sharciga ayaa la horgayn doona”.

Leave a Reply