Xukuumadda Somaliland oo Jawaab adag ka Bixisay Isbahaysiga Dawladda Xamar iyo Huwanta Argagixisada ah ee Laascaanood ku soo Duushay

0
114

Horeba Dagaalka  ka dhanka ah Somaliland Maamulka  Xamar iyo kooxaha argagixisada ah ee Laascaanood ku soo duulay way ku midaysnaayeen  

 

 

 

Hargeysa(Dawan):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab  adag ka bixisay is aqoonsiga  iyo is bahaysiga colaadeed ee ay ugu midoobeen duulaanka ka dhanka ah Somaliland  dawladda Soomaaliya iyo kooxaha huwanta argagixisada ah eek u soo duulay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

 

Ka dib markii ay dawladda Caalamku Xamar ku waardiyeeyaa ay  sheegtay inay siisay aqoonsi siisay maleeshiyada Somaliland diidka ah ee ku sugan Magaaladda Laascaanood.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayay tallaabadan ku macnaysay weerar ka dhan ah qarannimada iyo wada jirka Somaliland iyo xuduudada uu dalkani leeyahay, waxayna sheegtay in arrintani ay khatar ku tahay xasiloonida Geeska Afrika.

Xukuumadda Somaliland waxay iftiimisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax bannaani haysatay in ka badan 32 sano, iyada oo ka hirgelisay xuduudaha uu dalkani leeyahay nabad, amni iyo dawlad dimuqraadi ah. Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, ayaa lagu yidhi warka ay soo saartay Wasaaradda Arimaha dibeddu.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa  nabadgelyada gobolka, taas oo caddaynaysa in Soomaaliya ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada ka taagan magaalada Laascaanood tan iyo markii ay bilaabmeen.

Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqaysa Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso maleeshiyo beeleedka. Waxaanay sidoo kale u soo jeedinaysaa beesha caalamka inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka.

Somaliland ayaa cadaysay in aanay aqbali doonin in Soomaaliya iyo Maleeshiyo beeleedkaasi ay sheegtaan inay ka taliyaan Magaaladda Laascaanood ee Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu mawqifkeedu yahay sida warku sheegayo in ay shacbiga Somaliland ku naaloodaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo, waxayna dawladu sii wadi doonnaa dedaalladayada ku aaddan aqoonsiga madax-bannaanidda Somaliland iyo abuuritaanka xidhiidh faa’iido u leh beesha caalamka.

Gabo gabadii Warsaxaafadeedkan ay soo saartay Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqay dhinacyada ay arrintani khusayso in ay ixtiraamaan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamku aqoonsan yahay

 

Dhinaca kale hadalka ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya ee ay ku sheegtay in ay aqoonsatay Maleeshiyada Somaliland-diidka ah iyo kooxaha huwanta argagixisada ah ee kusoo duulay Somaliland gaar ahaan magaalada Laascaanood in ay ku wada socdeen Maamulka Muqdisho duullaanka dagaalka ka dhanka ah Somaliland isla markaana Dawladda Xamar iyo kooxaha huwantu waxa keliya ee ay heshiiska ku yihiin na ay tahay dagaal  ay wada jir u soo qaadeen oo ka dhan ah qarannimada iyo jirintaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Leave a Reply