Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, oo ka Hadashay Sonkor Hadal Hayn badan Dhalisay

0
192

Hargaysa(Dawan) Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ayaa war ka soo saaray  Sonkor hadal hayn badan ka dhex dhalisay baraha bulshadu isticmaasho, taas oo ku saabsaneyd  tayadeeda iyo wakhtigeeda dhicitaan.

Bulshada reer Somaliland ayaa aad isu waydiinayay taariikhda la soo saaray sonkortan iyo wakhtiga ay dalka soo gashay oo isku mid ah, waxaana aad looga hadal hayay mareegaha Internet-ka oo su,aalo badan la iska waydiinayay.

Hay’adda Dhawrista Tayada JSL,  oo su’aalahaasi ay bulshadu is waydiinayaan ka hadashay ayaa shacabka ku war-galisay inay wadaan baadhitaan la xidhiidha Sokortaasi, qoraalkaasi ayaa u dhiganaa sidan:

‘’Maadaama oo ay Qaranka mas’uul uga tahay Illaalinta bad-qabka badeecadaha kala duwan ee Dalka soo gelaaya iyo kuwa ka baxaya. Hay’addu waxa ay u caddaynaysaa bulshada Somaliland in ay gacanta ku hayso baadhitaanna arrinka la xadhiidha Sonkorta dareenka dhalisay. Sidaa daraaddeed waxa aanu ku wargelinaynaa in ay Hay’adda laga war sugo ilaa iyo inta ay waajibaadkeeda gudanayso’’.

 

 

 

 

Leave a Reply