Beelo Walaalo ah oo Hore Diriri u Dhex-Martay oo lagu Dhaariyay Ceel-afweyn

0
100

Ceel-afweyn (Dawan) Degmada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag waxaa si rasmiya uga furmay shirka nabadeynta beelihii walaalaha ahaa ee colaada sokeeye ku dhex martay degmada Ceel-afweyn iyo degaanada hoos yimaada.

Maamulka heer gobol, heer degmo, saraakiisha ciidamada, xildhibaanada golaha guurtida, salaadiin, cuqaal iyo ergooyinkii dhex dhexaadinta ee ugu badnaa ayaa ka soo qayb galay kulanka nabadeynta ee ka dhacay degmada Ceel Afweyn.

Gaba-gebadii waxa halkaasi lagu Dhaariyey labadii Ardaa iyada oo loo kala qaaday Aasaskii Marxuumiintii ku dhintay shaqaaqooyinkii u danbeeyey.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, ayaa ka codsaday beelaha walaalaha ah ee la dhaariyay inay nabadgelyada ilaaliyaan, isla markaana ay dhaarta furliyaan.

Waxaanu yidhi.“Ninka nabada diida waanu ka qabanaynaa una arxami mayno, ninkii nabada fara fareeyana tallaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadaynaa.

Waxaanu leeyahay labada beelood nabada aad qaadateen adkeeya, kana dhabeeyaa, xaajadana waxa aanu Ceel-afweyn ujoognay laba bilood iyo toban habeen, waxa aanu ka shaqaynaynay inta maanta qabsoontay, dhaarta maantuna waxa ay salka ku haysay in reerna aanu aarsan, nabadgelyadana uu qaato”