Madaxweynaha Jarmalka ayaa ceeb ku tilmaamay wixii dalkiisu ka geystay Tanzania xilligii gumaystaha.
Ciidamada Jarmalku waxay dileen ku dhawaad 300,000 oo qof intii lagu jiray kacdoonkii Maji Maji horraantii 1900-meeyadii, mid ka mid ah kacdoonadii gumaysi-diidka ee dhiigu ku daatay.
Madaxweyne Frank-Walter Steinmeier ayaa hadalkan ka sheegay madxaf ku yaalla Songea, halkaas oo uu kacdoonku ka dhacay.
“Waxaan jeclaan lahaa in aan idin weydiisto cafis wixii Jarmalku ku sameeyey awoowayaashiin halkan,” ayuu yidhi.
“Waxa halkan ka dhacay waa taariikh aan wadaagno, oo ka dhex dhacay awoowayaashiinii iyo awoowayaashayadii Jarmalka.”
Kacdoonka Maji Maji waxaa kiciyay siyaasad Jarmal ah markii dadka dhulkaa lagu qasbay in ay beeraan suufka ama cudbiga loo dhoofinayo Yurub.
Tansaaniya, waxa wakhtigaa loo yaqaanay Tanganyika, waxay ku jirtay gumaysigii Jarmalka ee Bariga Afrika waxaana dhulkaa ku jiray Rwanda, Burundi iyo qaybo ka mid ah Mozambique.
Madaxweyne Steinmeier waxa uu sheegay in uu rajaynayo in Tansaaniya iyo Jarmalku ay ka shaqayn karaan sidii loo habayn lahaa wanaajinta waxyaabihii waagii hore.
Waxa uu ballan qaaday in uu “sheekooyinkan uu sii qaadi doono Jarmalka, si dad badan oo waddankiisa ku nool ay u ogaadaan.”
Jarmalku, ilaa dhawaan, waxa lagu soo faqayey waxyaabo xilligii gumaysiga ah sida uu qabo Jürgen Zimmerer oo ah borofisar taariikhda ka dhiga Jaamacadda Hamburg.
“Axmaqnimada iyo cunsuriyadda gumeysigii jarmalka ma fahamsana dadweynaha Jarmalka.”
Booqashadan oo socotay muddo saddex maalmood ah, madaxweynuhu wuxuu la kulmay mid ka soo jeeda hoggaamiyeyaasha Maji Maji ee la dilay sanadkii 1906, Chief Songea Mbano.
Hadda waxaa loo arkaa inuu yahay halyey qaran oo Tansaaniya ah, wuxuuna madaxweyne Steinmeier u sheegay in qoyskiisu doonayaan inay helaan hadhaagiisa.
Kumanaan kun oo hadhaagii dadkii la dilay ah ayaa laga keenay gumeysigii Jarmalka – qayb ahaan sida oo kale qalab ay bililiqaysteen oo koobab iyo qalab kale oo qadiim ah ayaa laga helay, waxa kale oo la ogaadya waxyaabo badan oo cunsuriyad ah.
.
Salaasadii todobaadkii hore, madaxweyne Steinmeier waxa uu kulan la qaatay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan Dar es Salaam, waxa uu ballan qaaday in Jarmalku uu kala shaqayn doono Tansaaniya “dib u celinta hantida dhaqameed”.
Taariikhyahanka Tanzania Mohamed Said ayaa soo dhaweeyay raali gelinta madaxweynaha balse waxa uu BBC-da u sheegay in aanay ku filayn wixii dhacay.
“Waxay gubeen beero si ay dadku ay cuntadooda waayaan oo aanay ula dagaallamin, taasi waa wax aan la aqbali karin, adduunka maanta waxaa la horgeyn lahaa maxkamad,” ayuu yidhi.
Sannadkii 2021-kii, Jarmalku wuxuu si rasmi ah u qirtay inuu geystay xasuuq intii uu ku sugnaa Namibia wuxuuna ku dhawaaqay gargaar maaliyadeed oo qiimahiisu ka badan yahay €1.1bn (£940m; $1.34bn).
Hadalkan ka soo yeedhay madaxweynaha Jarmalka ayaa imaanaya ka dib markii boqor Charles uu qiray “falkii foosha xumaa ee aan qiil loo heli karin ee lagula kacay dadka Kenyaanka ah” intii ay ku guda jireen halgankoodii madax-bannaanida, isaga oo booqasho ku jooga Nairobi.
Si kastaba ha ahaatee, Boqorka Ingriiska ma aanu bixin raaligelin rasmi ah oo ay tahay in ay go’aan ka gaadhaan wasiirada xukuumadda.