Maxkamad Uganda ku taal oo lammaane Maraykan ah ku ganaaxday $28,000

0
128

Lamaane Maraykan ah oo ku nool dalka Uganda ayaa lagu helay dambi ah in ay si naxariis darro ah ula dhaqmeen wiil 10 sano jir ah, kaasi oo ay gacanta ku hayeen.

Lamaanahan ayaa lagu helay lix dacwadood, waxaana lagu xukumay in ay bixiyaan lacag ka badan 28,000 kun oo Dollar oo magdhow loo siinayo wiilkan oo hadda ku jira guri carruurta lagu xanaaneeyo .

Lammaanahan oo kala ah Nicholas iyo Mackenzie Spencer  ayaa wiilkan oo reer Uganda ah ku ciqaabay nolosha. Waxaa lagu soo oogay dacwad ah ka ganacsiga carruurta iyo jidhdil, taas oo ay ku mutaysan karayeen xabsi daa’im.

Lamaanahan ayaa wiilka oo la noolaa seexin jiray meel xun oo aan gogol lahayn sidoo kale waxay siin jireen cunto qabow.

 

Lammaanaha Maranykanka ah ayaa la xidhay bishii Diseembar 2022 waxaana lagu eedeeyay jidhdil daran oo ay u geysteen, kaas oo kula noolaa gurigooda oo ku yaal Kampala.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in lamaanuhu ay wiilka kala baxeen iskuulka, islamarkaana ay ku go’doomiyeen qol ka fog caruurta kale, waxayna ku seexin jireen sariir alwaax ah oo aan gogol laheyn, iyaga oo qaawan oo ay dharka u diideen.

Hadalka xeer ilaalinta ayaa intaa ku daray in wiilka loo ogolaa meel cidhiidhi ah oo aan xitaa lugaha fidsan Karin waxay siin jireen cunto barafaysan waxaanay kala socdeen kamaradaha CCTV oo qolka ku rakibnaa.

Spencers ayaa markii dambe lagu soo oogay dacwad ah ka ganacsiga carruurta oo aad u daran, taas oo ay qirteen dambiga oo, bishii March, waxaase lagu sii daayay damiin.

Garsoore Komuhangi ayaa Spencers ku helay dambiyo lix ah Salaasadii todobaadkii horei, oo ay ku jiraan arxan darro iyo xaqiraad lagula kacay ilmo, dayacaad ilmo, joogitaan sharci darro ah  oo ay ku joogeen Uganda iyo shaqaaleysiin iyaga oo aan haysan ruqsad shaqo.

Kiiskan ayaa cadho ka dhex dhaliyay qaar ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqda carruurta ee Uganda, waxayna ku tilmaameen mid lagu jeesjeesay caddaaladda marka la eego sida xukunku u dhagay. Dhaqdhaqaaqa Proscovia Najjumba ayaa waydiisay sida lammaanaha loogu oggolaaday inay xorriyad ku socdaan ka dib markii ay aqbaleen inay “si xun ula dhaqmeen ilmaha”, sida ay sheegtay AFP.

Haddii ay bixin karin ganaaxa, waxay ku qasbanaan doonaan inay qabtaan muddada xabsiga.

Wiilkan yar oo Aabihii dhintay hooyadiina tuurtay ayaa hadda la geeyey guri caruurta ah waxaana loo magacaabayaa masuul, kaas oo ku xannaanayn doona lacagtiisa.