Hargeysa (Dawan) Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya ayaa magaalada Nayrobi kulan kula qaatay Madaxda sare ee hayโadda GIZ.
Kulanka waxa lagaga wada hadlay wada shaqaynta guud iyo gaar ahaan mashaariicda horumarinta Xirfadaha iyo Waxbarashada Farsamada gacanta (TVET) ee ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hayโadda GIZ.
Laba dhinac waxa ay isla qaateen in la sii xoojiyo wadashaqaynta barnaamijka horumarinta Farsamada gacanta iyadoo lagu balamay in kulankan kulanka xiga lagu qabto Magaalada Hargeisa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland bishan gudaheeda.